Mudishu: War degdeg ah ee hadda inna soo gaaray ayaa sheegaya Maleeshiyada laga keenay puntland ee gashan tuutaha daraawiishta ee dowlad isku sheega, iney saaka galeen guriga siyaasiga Dr Culusow oo lagu aaneynayo inuu mucaarad ku ahaa Dagaal Ooge Cabdullahi Yusuf, lagana bililiqeystay wixii yaalay ee hanti ahaa iyo gawaari badan oo dad isaga yaqaanay ay ku soo xareysteen guriga.
Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in maleeshiyada puntland uu horkacayey Dhagaxtuur, lana sheegay inuu amar soo siiyey Inna Idamaale oo loo yaqaano Xuseen Xubsireed.
Waxa la sheegay in guriga ay joogeen laba wiil oo ilaala ah, markii ay maleeshiya soo galeen guriga ay gardaduub u xirxireen, ka dibna ay biliqada bilaabeen iyaga oo xataa kuraasta guriga qaatay oon ka tegin gaari ilaa alwaaxa guriga.
Macne ma laha xoola waa la iska helaa, laakiin bililiqadu waa ay gaari doontaa guryaha puntland iyo guriga dhagaxtuur goor aan fogeyn Insha allah.
Godob ninkii galaa isaga ayey shalaytadeedu ku danbeyn doonta.
somalidoon.com




