Page 1 of 1

dhabadhilif afgaduud dont want peace. kacdonka preparing for

Posted: Mon Apr 30, 2007 7:22 am
by Hiiraan boy
kacdoonka hawiye is with the merehan freedom fighters

Col.Afgaduud Oo Sheegay Inay Magaalada Kismaayo Ka Soo Saareen Kooxo Ka Tirsan Alqaacida, Itixaad Iyo Isbaheysii Burburay Ee Dooxadda Jubba
Apr 30,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Col. Cabdirisaaq Afguduud oo asagu ka mid ahaa masuuliyiintii qeybta ka aheyd dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo bisha April 23keedii ayaa sheegay inay dagaalkii looga soo eryey magaalada Kismaayo ay hormood ka ahaayeen ururka Alqaacida, Al-itixaad, isbaheysigii burburay ee dooxadda Jubba iyo weliba niman ayuu yiri wakiilo ka ah Hayadaha howlo samofallo ah ka wado magaalada Kismaayo.

Col.Afgaduud oo tan iyo intii laga eryay magaalada maanta markii ugu horeysay la hadlay asaga ku sugan magaalada Kisuumo ay sheegay inay wadaan abaabul dagaal oo ay doonayaan inay dib ugu soo weeraraan magaalada Kismaayo. Col.Afgaduud ayaa la sheegay in maleeshiyo beeleed asaga iyo gudoomiyahii gobalka Jubbada Hoose la heyb ah lagu uruurinayo degaanka Buulogaduud ayaa hadaladiisa ay u ekeeyaan inuusan rabin wax waanwaan ah oo ay la galaan dhinaca kale oo doonayaan in xal kama dambays ah uu yahay in dagaal kale oo qaraar labada dhinac mar kale ku dhex mara magaalada Kismaayo.

Col.Afgaduud oo wax laga weydiiday waanwaanta ay wadaan wafdiga dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegay inay dhinacooda ay soo dhoweynayaan waanwaantaasi, balse hadalkiisu uu inta badan ka muuqanayey cagojidiis iyo asaga oo u muuqday inay iminka diyaar u aheyn inay wadohadallada sii wadaaan. Hadalka Col.Afgaduud ayaa ku soo aaday xilli laga soo xigtay Raisul Wasaare Cali Maxamed Geedi inuu ku amray gudoomiyahii gobalka iyo Col.Afgaduud inaysan dib ugu noqon karin magaalada Kismaayo ilaa iyo inta ay gurmad ciidan iyo saanad ay ka helayaan dowladda federaalka.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay beesha SADE ayaa sheegay inay ka warhayaan abaabulka ka socda degaanka Buulogaduud ay ayaguna dhankooda ay diyaargarow balaaran ku jiraan, wafdigana dowladda federaalka ay ku wargeliyeen abaabulka ay wadaan dhanka kale. Madaxa wafdiga ee dowladda federaalka oo shalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inaysan jirin wax abaabul ah oo ka socda degaanka Buulogaduud, uuna rajeynayo inay dhamaan khilaafka labada dhinac ay soo afjari doonaan.

Dhanka kale, dowladda federaalka masuuliyiinteeda ugu sareeysa oo ugu horeeyo madaxweyne Cabduulahi Yusuf Axmed ayaa ilaa iyo hadda wax hadal ka soo saarin dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo, inkasta oo uu Raisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu asagu si toos ah ula saftay mid ka mid ah labadii beelood ee ku dagaalamay magaalada Kismaayo, kuna tilmaamay beesha kale kuwa xiriir la leh argagixisida caalimiga ah iyo asaga oo weliba horistaagay in la fuliyo qaar ka mid ah goaamadii ay wadogaareen beesha SADE iyo wafdiga dowladda ku meel gaarka ah.

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Re: dhabadhilif afgaduud dont want peace. kacdonka preparing for

Posted: Mon Apr 30, 2007 10:03 am
by DawladSade
the b.itch is malagiisuu wataa but even if he was ready kismaayo sidee ayuu ugu soo laaban, the b.itch is marked

Re: dhabadhilif afgaduud dont want peace. kacdonka preparing for

Posted: Mon Apr 30, 2007 10:08 am
by Somali-Transporter
War ninyahow--> why are they all sayin terrorist..! everybody???

Re: dhabadhilif afgaduud dont want peace. kacdonka preparing for

Posted: Mon Apr 30, 2007 12:34 pm
by Naaima
Salam alaikum @Somali walah i wondered that to, Laughing terrorist is th most used word,- been used in every speech, so know i am wondering if they really know the definition of that word Confused