Afar ka tirsan Ciidamada dowlada ee loo yaqaan Marya casta ayaa lagu dilay agagaarka Howlwadaag ee Muqdisho kadib markii nin hubaysan oo dharka Ciidamada dowlada xiran uu rasaas gaadmo ah ku furay.
Wararku waxay sheegayaan in ninkaas hubaysan uu baxsaday inkastoo ay baacsadeen Ciidamada dowlada ee isgoyska fariisinka ku lahaa.
dhinaca kale laba nin oo la sheegay inay dharka rayidka ah wateen ayaa lagu kala dilay agagaarka Warshadda Baastada iyo Xarunta Evaco ee Jidka Warshadaha Muqdisho.
labadaas nin ee la dilay waxaa la sheegayaa inay u dhinteen sababa la xiriira wada shaqeeyn gaara oo ay maalmahaan la lahaayeen Dowlada Federalka.
Falalkaan dilka ah ee ka biloowday Muqdisho iyo weerarka lagu qaaday kolanyadda gaadiidka ee Itoobiyaanka xilli ay marayeen Wanlawayn ayaa u muuqdo mid nuuciisu yahay Gorileeyn,ugaasi ku dhifo oo ka dhaqaaq ah,




