War hada naga soo gaarey Magaalada Wanla weyne ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saacad ka hor miino la qaraxdey gaari Uraal ah oo marayey degmada Wanla weyn ,iyadoo aan wali la helin khasaaraha dhabtaa iyo askarta ku geeriyootay.
Wakaalada wararka Reuters ayaa goor dhaw shaaca ka qaadey in qof reer miyi ah oo ku dhawaa goobtii uu qaraxu ka dhacay uu sheegay in qaraxaasi uu keenay dhimasho iyo dhaawac soo gaarey askartii saarneyd gaariga
warkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa ay garabsiinayaan ee xukuumada Cabdulaahi Yuusuf ay sheegeen inay soo afjareen dagaaladii ay kula jireen xoogaga Hawiye, hase yeeshee weerarkan caawa ayaa wuxuu marqaati u yahay in ciyaartu wali tahay (Rug Cadaagii wali waa joogaa).
Xoogaga Hawiye iyo ummada kale ee taageraysa ayaa waxay halgan xoogan kaga soo horjeedaan xoogaga Tigreega iyo Maleeshiyaada Majeerteen ee laga keenay Gobolada waqooyi beri, waxaana haatan ay badaleen qorshihii dagaalka iyagoo ka dhigey mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, oo lala beegsanayo weeraro, qaraxyo iyo miinooyin ciidamada loo dhigo
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayay is abaabul dagaal oo ay wadaan xoogaga kacdoonka Muqdisho kuwaas oo qorsheeynaya dagaalo ay ku qaadaan fariisimaha Askarta reer Puntland iyo kuwa




