3. maj 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Kismaayo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magalaada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay halkaasi laga maqlay qarax aad u xooggan oo dadka oo dhan ay wada dareemeen.
Qaraxan ayaa ka dhacay waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo gagida diyaaradaha magaalada Kismaayo oo maanta la filayay in wafdi dawladda ka socda ka dhoofaan.
Qaraxan wuxuu ahaa mid la doonayay in la dhigo waddada isku xirta magaalada iyo gagida diyaaradaha Kismaayo, hase ahaatee farsamo xumo timid kadib uu ku qarxay nin halkaasi doonayay inuu qaraxa galiyo oo asagiina halkaasi ku naf waayay.
Lama aqoonsan qofka qaraxaasi ku dhintay , ayadoo la sheegay in hilibkiisa oo goo go'an ay dadku kasoo aruuriyeen meeshii qaraxu ka dhacay.
Sida ay nasoo gaarsiinayaan goob joogayaal kusugan Kismaayo wuxuu qaraxan ahaa kuwa laga hago meelaha fog fog ee lagu qarxiyo Rimuut Kantaroolka.
Dadwayne aad u argagaxsan ayaa ku xoomay goobtii qaraxu ka dhacay , ayagoo is waydiinaya waxa keenay in halkaasi lagu aaso waxyaabaha qarxa.
Wafdi kasocda dawladda oo uu hoggaaminayo Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) ayaa la filayaa inay maanta halkaasi ka dhoofaan.
CCC Farayaamo
AllPuntland.





