1. Nimanyow dabuub gabay beryahan kuma danuukhayne
2. Kolba aniga oo daayey baad igu diraysaane
3. Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey
4. Mid duushoo yarbaa Eebahay iigu daw galayey
5. Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba
6. Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudo ah seexdo
7. Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye
8. Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga darayaaye
by Cilmi Boodheri