Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay saakay ciidammo Puntland ah ay ku soo qaadeen Suuqa weyn ee Koonfrta magaalada Gaalkacyo.
MudugNet, Muqdisho. Axad, May 06, 2007.
Labo nin ayaa ku dhimatay saddex kalena way ku dhaawacmeen, inta la hubo, weerar Saaka 9-kii aroornimo ee Saaacadda Afrikada Bari ay ciddammo Puntland ah ay ku soo qaadeen suuqa weyn ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Kooxdaas weerarka soo qaadday, oo tiradooda lagu qiyaasay illaa toboneeyo, ayaa waxay ka mid ahaayeen Ciidammadii Puntland ee ka soo guuray dhawaan degmada Galliin-soor. unugtaas ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa waxay saaka damceen inay boobaan (hub) qoryo yaallay meel (Cir-toogte) hubka lagu gato oo ka tirsan suuqa weyn ee koonfurta Gaalkacyo. Waxaana billaabatay rasaas xog leh oo ay is-dhaafsadeen Dableydii reer Puntland ee horarka ahayd iyo dadkii suuqa ku ganacsasanayay ee reer GalMudug oo iyana la soo baxay qoryihii ay meheradahooda ku waardiyaysanayeen.
Kooxdii Burcadda ahayd ee reer Puntland ee weerarka soo qaadday, oo ku labbisnaa tuutaha Itoobiyaanka ee lagu yaqaan ciidammada Puntland, ayaa waxay goobtii ugu carareen askari iyaga ka tirsanaa oo mayd ah. waxaa kale oo dad goob-joog ahaa ay ii sheegeen in dableydii Puntland ay sidoo kale qaateen illaa labo qof oo iyaga ka tirsanaa oo ay rasaasi haleeshay oo aan la ogayn sida ay wax u gaareen.
Ninka kale ee dhintay ayaa waxa uu ahaa nin maskiin ah oo gaari-gacanle ah oo lagu tilmaamay inuu reer Koonfureed ahaa. ninkaas ayaa waxaa ku dhacay rasaastii ay labada dhinac is-dhaafsadeen.
Saddexda qof ee dhaawacantay, oo labo ka mid ah dhaawacyadoodu ay fududyihiin, ayaa ninka saddexaad oo dhaawaciisu halis yahay waxaa loola cararay Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. ninkaas dhaawaca daran ah ayaa wuxuu ka dhashay beesha Qubays (Dir) oo ka tirsan beelaha wax ka dhistay Dawlad-goboleedka GalMudug.
Arrintaas ayaa waxay xiisad ka kicisay magaalada Gaalkacyo. waxaana muddo hal saac ka badan xirmay suuqii oo difaac laga galay. balse ka dib ayay caadi ku soo noqotay Xaaladda Suuqa weyn ee Koonfurta Gaalkacyo, oo ku yaalla meesha loo yaqaanno Khadka cagaaran ee magaalada kala qaybisa. wixii ka soo kordhana dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa, Haddii ALLE Idmo.
Dhanka kale, waxaa xalay lagu dilay Woqooyiga Gaalkacyo ee Puntland nin u dhashay beesha Ogaadeen. waxaana lagu dhaawacay mid kale oo ay isku hayb yihiin oo haatan jiiifa Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. lamana garanayo sababta loo laayay dadkaas. mana jirto wax ay arrintaas ka qabteen maammulka Puntland oo ka taliya meesha dilka iyo dhaawaca loogu gaystay labadaas nin.
Calideeq Max'ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.comGaalkacyo, GalMudug Soomaaliya.
--------
http://mudugnet.com/News/2007/MAy/News% ... jashay.htm