Kismaayo: Beelo katirsan beesha Sade oo soo saaray baaq ay ku dhaleecaynayaan ciddii ka danbaysay dagaalkii dhawaan Kismaayo ka dhacay
Kismaayo Beelo ku abtirsada beesha Sade ayaa maanta baaq ay ku diidayaan dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Kismaayo kasoo saaray magaalada Kismaayo.
Baaqa odayaashan ayaa u qornaa sidan:-
JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Ku: Wafdiga qaranka Soomaaliyeed Kismayo
Og: Madaxwaynaha xukuumada KMG Muqdisho
Og: saxaafada Xorta ah
UJEEDO WARBIXIN
04-05-07
Waxaan cadeynaynaa anaga oo ah beelaha sade ee kala ah
1. Wagardhac
2. Talxe
3. Hirarsame
Waxaan u cadeynaynaa Madaxda Qaranka Iyo Saxaafada xorta ahba inaan wax lug ah ku lahayn Colaadii ka dhacday Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Magaalada Kismayo 23/04/07 Dhaqan ciidan iyo siyaasad Toona waxaan canbaareynaynaa cidii Ka dnbeysay falkaas Dhacay 23/04/07 .
Dagaalkaas oo ah mid wax dhimaal Ku ah geedi socodka Nabadeed ee soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta Madaxwaynaha iyo wafdiga ay horey u sheegeen in lagu qaban doono Magaalada muqdisho
Hadaba waxaan ku talinaynaa Sidan soo socota.
1. Waxaan ka codsanaynaa in dowladda gacan ku qabato Gobolka jubbada hoose Gaar ahaan Magaalada Kismayo si aysan u soo noqon Waxii dhacay 23/04/07
2. in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado dhamaan cidii abaabushay iyo kuwii fuliyay Falkii dhacay 23/04/07 kuwaasoo keenay Dhimasho , dhaawac Iyo khasaaro hantiyeed
F.G waxaan u cadeynaynaa Madaxda Dowladda Inaan wax Sharuud ah aanan ku xireyn in aan la shaqayn doono Dowladda taasoo ka soo yeertay ninka sheegtay afhayeenka Beelaha Sade Xasan Dheere oo aanan u aqoonsanayn Matalina Beelaha Sade Hadalkaasi Ma aha mid sade wada Leeyahay .
Waxaa saxiixay:
1.Suldaan Axmed Muuse Aamin
2.Nabadoon Cali diirshe danan
3.Nabadoon Cabdulaahi Muuse Saatar
4.Nabadon Kahaiye Yuusuf Cabdi
5.Nabadoon Maxamed abdulaahi Karbuunio
6.Nabadoon Axmed Macalin faarax xareed
7.Nabadoon bashiir Cabdi sugule
8.Nabadoon cabdi shiilow
9.Nabadoon Maxamed dhaqane Guure
10.Nabadoon cismaan Hire
11.Nabadoon daahir ibraahim raaxooy
12.Nabadooon Salaad Maxamed Cismaan
13.Nabadoon Maxamed Nuur Buule
14.Nabadoon cismaan Cabdi saalax
15.Col/ cabdi Ciugaal jaamac
17.Col/ Maxamed salaad faarax
18.Col/ C/qadir maxamed afrax
19.Col/ C/rashiid Cabdulaahi gooje
20.Col/ Maxamed aadan Jaamac
21.Col/ Cabaas ibraahim gureey
22.Dr Xasan cabdi rude
23.Dr Suuley Jaamac samatar
Bualenews.com
Kismaayo



