Warar ka imaanaya deegaanka Guriceel ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan Degmadaasi ay ka dhaceen dagaalo beeloodyo udhaxeeya labo beelood oo wada gobalka galguduud.
Dagaalkan ayaa wuxuu galay maalintii sadexaad waxaana lasheegay in uu gaystay khasaarooyin kala duwan,oo iskugu jira dhimaso, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Magaalada Guriceel waxaa ka socda waan waan ay wadaan waxgaradka ay ka soo kala jeedaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalku udhaxeeyo waxaana lugu waramay in odayaasha waan waan ay wadeen ay burburtay shalay galin kii danbe markii dagaalo kadis ah bilowdeen.
Dagaaladan ayaa waxaa lasheegay in ay salka ku hayaan aano qabiil ayadoo dagaalkan uu daba joogo nin la dilay bishii March ee sannadkan qorigii uu wateyna laga qaatay ayna ka qaateen kooxihi dilka geystay.
Gobalka galguduud oo dhan ayaa lasheegayaa in ay haatan ka socdaan qeybo ka mid qabanqaabada kala dhexgalida labada dhinaca ee dagaalamaysa maalintii sadexaad.
khasaaraha ay dagaaladu geysteen ayaa ilaa iyo hada la ogeyn waxaana lasheegay dad dhawaac oo ka tirsan dhinaca-yada hardamaya la soo gaarsiiyay cusbitaalka guud ee magaalada Guriceel galguduud.
Abdulkadir M. Geylan




