Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gobalka Salel

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Gobalka Salel

Postby KingBlack » Mon Oct 15, 2012 2:05 pm

Saylac(Lug)-Waa arin mudaba dadaka ku dhaqan magaalada Taariikhiga ah ee Saylac ay ku jahawareersan yihiin hanaanka maamulka ee ka tirsan dalka Somailand oo hada u faruur xidhan dalka Djabuuti oo ku qaba dano qabiil iyo mid xulufaysa qorshayaal aan wali soo shaac bixib oo ay kamid tahay dhulbalaadhsiga hamiga dalka Djabuuti oo ay dadaal ugu jiraan hogaankeedu .

Maamuladii isaga danbeeyay ee hanta hogaanka maamul ee Wakhtiga xukuumadani Somaliland ayaa ahaa dhamaan xidid adag ku lahaa gudaha dalka Djabuuti oo ay macnaheedu tahay Gobolka Salal ee Xeebta Galbeed ee Dalka Somaliland Si hayb qabiil oo ka baxasan hanaanka maamul ee dhamaan hoostaga wasaarada arimaha gudaha ugu leexiyaan hadba maamulka haga Gobolka Salal .

Marba marka ka danbaysa waxaa caqabad ku ah siyaaasada xukuumada cida u dhalatay Deegaankaasi oo ah hogaan aan ka janjeedhin xukuumadaha Somaliland waxaa xusid mudan in Maamulkii Ugu Danbeeyay ee Gobolkaasi salal Maxamad Muuse Bucul (Buuni) uu mudo udaabulayay ciida dooxa bariisle oo ilaa hada aan jirin xukuumada dhexe hadalo ku aadna oo ay ku xakamaynaysay gurida ciidaasi loo rari jiray dalka Djabuuti .

Inkasta oo loo aaneeyo badalka Hogaankaasi hadan maaha umuur ay dadka ku dhaqan magaalada Saylac ay aaminsan yihiin basle dhabtu tahay in masuuliyiin ka socotay dalka sida dadbadn looga maamulo Gobolkaasi ay kaso gudbaan iyada oo aan laga war qaban kadibna ciidanka amaanku ishortaageen waxaanay dhacdadaasi inta badan ku riixaan hogaankii dalka hagi jiray ee ku saylaysnaa nacaybka beelo kamida Beelaha samaroon (Mahadcase) inta badana waxyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in madaxwayne Rayaale ka door bido ku magacaabida Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal Beelah sida dhabta ah ule ee mahadcase hadii uu u door biday xidhiidh hunguri dhaqaale siyaasaded oo ka dhexeeyay wadanka Djabuuti iyo xukuumadii wakhtigaasi waan mida keentay in uu beelaha mahadcase ka door bido cid aan ku lahayn Golayaasha deegaanka Xubin gole oo loo akhtisan karayay beelaha mahadcase waxaa ka badnaa Afguduu oo kamida reeraha cidhibta makaahiil waana xidhiidh tixgalin dhuuni uu ku qabay dalka Djabuuti iyo Nacaybka Beelaha Mahad case .

Intii ka danbaysay maamulkii xukuumadii qabaligii ee Madaxwayne Rayaale waxaa loo magacaabay hogaan cusub oo kasii hayinsan oo si toos ah laf ahaantiisu ugu faruurxidhan dalka Djabuuti oo si gaar ah loosoo xulay iyada oo aamulka Dariska dalka Somaliland ay ka wadaagaan dhanka xeebta galbeed ku lugle lagu soo war galiyay in loo magacaabo Nuur Cismaan Guuleed (Bidaar) oo horay uga tirsanaa Golaha deegaanka ee Dagmada Saylac isla mar ahaantaasi looga shikisnaa xidhiidh hogaamiye diimeedyada xagjirka ah ee Dalka Somaliya .

Waxaanu socdaalo aan la koobi karin ku galaa bixiyaa dalka Djabuuti Todobaadkiiba oo ay dadka Reer Saylac walaac haykal dawladnimo ka muujeen ,waxaa kale oo oo ka danbeeyay qorshayaasha dagaalo goos goos ah oo ka dhacay deegaano ka tirsan dagmada Xariirada ee Gobolka Salal gaar ahaan deegaanka habaas oo xgufi ku dhexmartay reero kiro kooban ah oo uu kasoo jeedo Badhasaabka cusub ee Nuur Bidaar kuwaasi oo ka mid ah hadhaaga qoxooti laga soo raray wadanka xidhiidhka ay layeedhaan hadba hogaankii la keeno Gobolka Salal Gaar oo dano dhalaale iyo Mid qabiilba ku daba lifaaqan tahay .

Intaasi kaliya kuma koobna xidhiidha dadbadan ee Gudoonka Gobolka kor ku xusani la leeyahay cida uu in uun ka helayo dhaqaalo sifo ka baxasn sharciga hogaanka kusoo gasha oo lo odhan karo (Laaluush) waxaa kamida xidhiidhka ka dhexeeya Gudoomiyaha Gobolkaasi iyo Maamulka Urursiyaasadeedka Xaqsoor oo ay heshiisna dhinacyo badan taabanaya oo ka kooban mid yisaasad xumo iyo mid bixin dhaqaale oo lagu door bidayo fawdo in laga rido xeebaha Gobolada Awdal iyo Salal si umuada deegaanka dhabta ulihi codkoosa maalinta codbixinta Droorashada Golaha deegaanka Khal khal loo galiyo .

Intasta oo ay wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland qiray cida dhabta u ah deegaan halkaasi oo uu ku dheegay war bixin dhinacyo badan tabanaysa oo uu kaga hadlayay socdaalkiisa shaacana kaga qaaday in beelaha Samaroon ay deegaankaasi leeyiiin kuna nool yihiin gaar ahaan Mahadcase marka laga tago Xubno soo foos tagay oo ay lasoo dheeraaday xoolohii saamaynta balaadhan ku yeesheen oo kasoo jeeda Beesha Ciise waana mida keentay beelaha ciise iyo Isaaq e shaagta deegaankaasi inay colaad adag u qaadaa wasiirka arimaha Gudaha Oo hayb ahaan kasoo jeeda beelaha bariga Somliland
(Habar yoonis).

Marka loo soo laabto umuuraha magaalada Saylac waa caqab adag oo ay malaeegayaan xubo ku fadalo cad dalka Dajabuuti oo door bidaya Inay ku bixiyaan dhaqaalaha ugu badan sidii ay doorashada Golayaasha deegaanka uga Helimlahaayeen xildhibaano door ah oo kasoo jeeda beesha ciise .

Sidoo kale warar xog ogaal aha aya sheegaya in gaadiidka wadankaasi ay ugu soo gudbaan xuduuka Lawya-cado kana fushadaan masuuliyiintu daha ay qabaan ee ka rabo u in laga fuliyo deegaanada ka tirsan Gobolka Salal.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Awdal”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests