Page 1 of 1

Ciidamada Ammaanka Oo Boorama arrest Arabs

Posted: Mon Oct 15, 2012 8:50 pm
by KingBlack
Ciidamada Ammaanka Oo Boorama Ka Fuliyay Hawl-Galo Lagu Soo Qabtay Qoys Marookaan Ah Oo Looga Shakiiyay Ururka Al-shabaab.
October 15, 2012 Borama (Cadceed) – Ciidamadda ammaanka ee ka hawlgala Boorama ayaa toddobaadkii ugu dambayayba ku jiray hawlgal ay ku sugayaan amaanka, islamarkaana, ku daba-joogaan sidda ay u muuqatay dad la sheegay inay ka mid ahaayeen ama xidhiidh la lahaayeen ururka lagu jabiyey Soomaaliya ee Al Shabaab, kuwaas oo laga shakiyay in firdhadkoodu si dhuumasho ah ku soo galay magaaladda Boorama.

Hawlagallo aan kala joogsi lahayn ayay ciidamadu habeenkii ku baadhayeen gaadiidka magaalada soo gala ama dhex mara, iyagoo inta badan dadka saaran aad ugu fiirsanayay.

In kastoo aanay saraakiisha ciidanka amnigu ka hadal Hawlgalkan,hase yeeshee shan maalmood ku dhawaad ka hor ayaa Badhsaabka Gobolka iyo laamaha amnigu shir ay isugu yimaaddeen kaga doodeen xaaladda amniga magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka wakhtigan oo la tuhunsanyahay in saraakiishii Al-shabaab ahi u soo baxsan karaan magaalada.

Hawlgaladan oo kii ugu xoogga badnaa doraad gelinkii dambe ka dhacay magaalada Boorama ayaa la sheegay in la baadi-goobayay Qoys laga shakiyay inay ka tirsan-yihiin Al-shabaab oo ay Boorama dhuumasho ku galeen. Kaasoo la sheegay inay ka koobanyihiin Nin iyo haweenay u dhalatay dalka Morooko. Hawlgalkan oo loo adeegsaday ciidammo tiro badan iyo gaadiid ayaa dad badan oo ku nool magaaladda Boorama shaki galiyey. Balse sida wararku sheegayaan Haweenaydan u dhalatay Marooko ayaa aakhirataankii la iska sii daayay, ka dib markii la ogaaday in nin u dhashay gobolada dhexe ee Soomaaliya oo la sheegay in haweenaydaasi uu guursaday uu kaga baxsaday dalka Somaliya ama gobolada koonfureed, sidaa darteedna ay nabadgelyo awgeed u timi magaalada Boorama. Sidaas oo ay tahay ma jiraan wax tafaasiil ah oo ciidamada dawladda ee Boorama ku bixiyeen hawlgalkan ka dhashay shakiga laga qabo amman darro ka timaadda firxadka Al – Shabaab.

Wariye – Maxamed Cumar Sh Ibraahin
Borama, Somaliland

Re: Ciidamada Ammaanka Oo Boorama arrest Arabs

Posted: Mon Oct 15, 2012 9:35 pm
by DayaxJeclee
ilaa dalka nabad ka noqdo shisheeyo oo dhan in la talxiilo lee fiican.