Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shacabka Khaatuma iyo Awdal State Ma Ka Xoroobi Karaan,SNM

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Shacabka Khaatuma iyo Awdal State Ma Ka Xoroobi Karaan,SNM

Postby KingBlack » Tue Oct 16, 2012 8:36 pm

Hadii aan ka jawaabo Su’aasha ku saabsan Shacabka Khaatuma State iyo Awdal State maka xoroobi karaan Maamulka Siilaanyo, Jawaabtu waa Haa laakiin su’aasha sii daba taal waxay tahay goormee ka xoroobi doonaan? Sideese uga xoroobi karaan?

Maamulka Siilaanyo inay ka xoraabaan waxaa ka horeeysa inay ka xoroobaan Dahabshiil (Dhiigshiil) Somtel iyo Telesom maxaa yeelay sirta bulshada ku nool gobolada Khaatuma iyo Awdal waa mid subax walba taal xafiisyada Somaliland.

Dadka u dhashay Dhulbahantaha, Gadabuursiga, Ciisaha, faqashiniga iyo Warsengeliga waxay labadii sano ee ugu dambeysay ka wareegsadeen Xawaaladda Dahabshiil iyagoo macaamil la sameeystay Xawaaladaha kale ee Soomaaliyeed.

Tujaar u dhalatay beesha Gadabuursi oo dareemay baahida dadka u qabaan inay helaan Xawaalad madaxbanaan oo sirtooda xafida ayaa furtay laba Xawaaladooda oo lagu kala magacaabo Kulan Express iyo Amoud Express hasse yeeshee beesha Dhulbahantaha wali hal Xawaalad ma furan.

Cabsi darteed bulshada gobolada Waqooyi badankood waxay diideen inay qaataan telefoonada Shirkadda Somtel oo siyaasad ahaan hoos tagta Maamulka Siilaanyo maadama ay ka mid tahay Dahabshiil Groups hasse yeeshee Internet-keeda ayaa laga isticmaalaa Buhodle ilaa Borama.

Somtel waxay dhageystaan ama duubaan telefoonada macaamiisheeda halka ay shubtaan macluumaadka Emailada isticmaalaha Internet-kooda iyo agabyada wada hadalka ee macaamiisheeda Internet-ka.

Injineera u dhashay Koofurta Somalia iyo Jibouti ayaa ku xog waramay in Xarunta weyn ee Hargeysa lagu rakibay Servers qaabilsan aruurinta xogaha dadka isticmaalaya Internet-ka halka sidoo kalena Dalka Jibouti ku xiran yihiin Servers u gaara Ciidamadda Sirdoonka DJibouti ee loo yaqaan SDS.

Dahabshiil Groups oo adeegsaneysa awooda Maamulka Siilaanyo waxay qoob ka ciyaar ugu jirtaa inay Shirkadda ugu weyn Isgaarsiinta Somaliland ee Telesom xirto.

Shirkadda Telesom oo ganacsato u dhalatay Koofurta Somalia Saamiya ku leeyihiin waxaa lagu amray inay Hayįda Sirdoonka Siilaanyo u ogolaato dhageysiga telefoonada iyo shubashada macluumaadka Shirkadda,waxaa sidoo kale lagu amray inay xanibto dhamaan Website-yada faafiya wararka Khaatuma State iyo Awdal State.

Maamulka Telesom ayaa iska diiday in telefoonada macaamiisheeda la dhageysto iyo Internet-keeda la fakto hasse yeeshee waxay aqbashay inay xanibto in ka badan 55 Websites oo madaxbanaan.

Diidmada Telesom ma noqon mid walaac gelisa Maamuka Siilaanyo iyo Shirkadda Dahabshiil maxaa yeelay bil walba waxaa xafiiskooda loogu geeyaa Warqad laga saxiixay xeer ilaaliyaha Somaliland taas oo fareeysa inay Hayįda Sirta u daabacaan dhamaan telefoonada laga isticmaalo AWDAL iyo KHAATUMA si dabagal loogu sameeyo dadka ay waceen iyo kuwa soo wacay.

Cadaadiska la saaray Shirkadda Telesom wuxuu sababay in Maamulahii Shirkadda Cabdi Kariim Mohamed Ciid oo u dhashay Beesha Ciidagale Garxajis, xilkii maamulenimada ku wareejiyo nin u dhashay beesha Siilaanyo ee Habarjeclo.

Dahabshiil Groups iyo Wasiiradda ugu awooda badan Maamulkooda Siilaanyo,sida Hersi Ali Haji iyo Sacad Ali Shire waxay ku guuleeysteen maamulashada Servers-ka Shirkadda Telesom ee DJibouti.

Howlwadeenada Isgaarsiinta Telesom oo qorsheeynaya inay ka wareegaan Shirkadda Jibouti waxay falka lagula kacay ku eedeeyeen Marwada Madaxweynaha Jibouti ,Khadra Xeeyd iyo walaalkeed Jamac Xeeyd oo ah Gudoomiyaha Bankiga Jibouti.

Dahabshiil Groups waxaa u shaqeeya shaqsiyaad u dhashay qabiilada Gadabuursiga iyo Dhulbahantaha, kuwaas oo uga masuula Xarumo ay ku leeyihiin gobolada labada beeloood.

Beelaha Khaatuma iyo Awdal State inay ka xoroobaan Maamulka Siilaanyo waxaa ka horeeysa inay ka xoraabaan Dahabshiil,Somtel iyo Telesom ?
Sidee uga xoroobi karaan?

Waxay uga xoroobi karaan Tujaarta iyo qurbejoogta Labada Beelood oo degaanadooda ka hirgeliya Shirkado Isgaarsiin,Internet iyo Xawaalado si bulshada uga maarmaan Shirkadaha gumeeysiga maskaxda ku heysta.

Xeeldheerayaashuna waxay qabaan in bulshada ka gaabiyeen kacdoonadii looga fadhiyay inay ku bartilmaameedsadaan shaqsiyaadka la qabiilkaa ee u shaqeeya Maamulka Somaliland ee magaciisu noqday Dahabshiil Groups.

In Dahabshiil Groups la wareegtay maamulka Somaliland waxaa ka marqaatiya ninka ugu awooda badan Madaxtooyada ee lagu magacaabo Hersi Ali Haji oo markii ugu dambeysay ku magacaawnaa Maamulaha SOMTEL Dahabshiil Groups iyo Wasiirka qorsheynta Sacad Ali Shire oo ah Maamulaha Xarunta Dahabshiil ugu weyn Yurub ee UK,sida ku cad diiwaanka rugta ganacsiga UK iyo Bankiga Barclays UK.

Si kastaba ha ahaatee,Sida taariikhda ku qoran gumeeystayaashii iyo kaligii taliyeyaashii dunida soo maray halgan dheer kadib waxay bulshooyinkii la gumeeysan jiray ka qaateen xornimo taasi waxay tusaale wanaagsan u tahay in shacabka reer Khaatuma iyo kuwa Awdal State maalin uun ka guuleeysan doonaan Maamulka xaqoodii duudsaday ee xooga ku heysta.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Awdal”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests