Ugaas Xasan Xirsi
Ciisuhu waa qabiil ballaadhan oo deggaan ku leh Soomaaliya,Itoobiya iyo Djibuuti. Markaas qormadan waxaa kaga hadli doonaa Ugaas Xasan Xirsi, ilahay naxariis janno ha siiyee.
Ugaas xasan wuxuu ku dhashay Tuuladda Mille ee Gobolka Sitti ee Itoobiya sannadkii 1912. Wuxuu ku korey degmadaas.Ugaaska waxaa la boqray magalada Saylac sannadkii 1930, isagoo 18 jir ah ee Jambuuriyadda Soomaalida.Ugaas Xasan Xirsi intii Ugaaska ahaa wuxuu fadhigiisu ahaa magaalada Diredawa Ee Itoobiya. Muddadii uu xilka ugaasnimo hayeyna wuxuu la shaqeeyey boqorkii Hayle salase, Mingistu Xayle Mariam iyo Meles zanawi.Xagga Djibuuti Wuxuu la shaqeeyey Ilaahay ha u naxariistee Madaxweyne Md. Xasan Guuleed.
Ugaas xasan Xirsi wuxuu ugaas u ahaa, dadka uu metelo ee daggan seddexda dal Soomaaliya , Itoobiya iyo Djibuuti. Ugaas Xasan Xirsi wuxuu ahaa Astaan u taagan ugaas Soomaaliyeed.
SIDEE LOO DOORTAA UGAASKA
Ugaaska waxaa soo doorta Gole ka kooban 12ka Ciise. Golahani wuuxu muddo 3 sanno ah ugaaska baraa, xeerka iyo dhaqanka ciisaha.
GUDDIGA XEERKA CIISAHA
Guddigani wuxuu ka kooban yahay labada gole ee,Gande iyo guurti(Guddi).
GANDAHA
Golahani waa 44 odey oo lagu soo doortay :-
Inuu ka mid yahay Lixda aqal ee Ciisaha.Hooyadii iyo Aabbihii yihiin ciise.Qof dhaqaale ahaan Madax bannnaan.Hooyaddii aysan Carmal aheyn.Inuu yahay nin lagu yaqaan runta yio daacadnimada.
Ganduhii wuxuu u xilsaaran yahay dhawrista iyo ilaalinta xeerla Ciisaha.
GUDIDA
Habka Gudida loo doortaa waa ka duwan yahay qaabka lagu soo xulo GANDAHA. Qofka loo xulayo Gudida waa inuu ahaado qof waayo arragnimo baahsan u leh Xeerka Ciisaha, ahadana qof u lug bannaan inuu ka qeybgalo kullanka Gudida dhammaan dhulka Ciisuhu dego.
Gudidu waxay ka kooban tahay 44 qof.
Arrimaha xaasaasiga ah, Ugaas keliya ma qaato go’aanka si xal loogu helo, lakiin gudida aya go’aanka soo ban dhiga, deedna Ugaasku waa ku duceeyaa oo keliya. Ugaasku maaha dhaxaltooyo, laakiin markasta waa Aqalka Wardiiq oo ka tirsan lixda Ciise.