Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

~~~Kacaankii 21kii Oktoobar~~~ 2009 !!!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The Magnificent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2463
Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!

~~~Kacaankii 21kii Oktoobar~~~ 2009 !!!

Postby The Magnificent » Wed Oct 21, 2009 11:08 am

http://lasanod.com/details.php?num=2939


Muqdisho,(Lasanod Online)- Maanta waxaa loo dabbaaldegayaa sanadguuradii kasoo Wareegtay dhalashadii kacaanka barakaysnaa ee Ummadda u curtay 21kii Oktoobar 1969kii..


kacaankaas oo ummadda Soomaaliyeed u horseeday Horumarka ,baraare iyo Haybad qarannimo.

Kacaankaas wuxuu Soomaaliya istaajiyey kaalintii aay ku lahayd caalamka aanu xubinta ka nahay, waxaana kacaanku bilay sumcaddii dalka Soomaaliya oo horumarka dhaqan dhaqaale oo uu ku tallbsaday uu noqday mid lagu ammanay .

Sababihii Dhaliyey kacaankii 21jii Oktoobar:

Ururkii SYL oo Qarannimada usoo halgamay wuxuu lahaa hal hadaf oo qur ah oo ahaa in dawladnimo la helo dalkana laga saaro Gumaysiga ,hasayeeshe xisbiga SYL ma samayn naangooyo cad oo ku saabsan halka la beegsanayo iyo waxa dawladda u qorshaysan Gobannimada kaddib.Taasi waxaay keentay in Wasiir walba xaafiiska kala wareego Wasiirkii Gumaysiga uuna ku dhaqmo xeerkii uu gumaysiga ka dhaxlay oo ahayd xaafiiskayga,wasaaradayda ,shaqaalahayga ,miisaaniyadeeyda ,baabuurtayda.Arintu waxaay heer soo martaba waxaay cirka isku shareertay Bishii Maarso 1969kii untii lagu guda jiray Doorashadii baarlamaanka oo dalka aay ka furmeen doorashadaasna aay ka qaybgaleen in ka badan 69 xisbi oo dhammaantood ku qotamay aragti qabiil taas oo natiijadii ka soo baxday aay ahayd in Xildhibaanada iyo wasiiraduba aay u adeegaan qabiilkii soo doortay.

waxaana biloowday musuqmaasuq baahsan uyo ku takrifalkii hantidii qaranka.Arintaasu waxaay dhalisay Guux dadweeyne iyo baaq ah in loo baahan yahay in murugada jirta wax laga qabto.
Rajadu waxaay ak dhursugaysay ciidamada qalabka sida oo ahaa kuwa keli ah o oka badbaaday habisadii qabiilka oo cid kasta saamaysay .Waxaa soo dadajiyey curashadii kacaankii 21kii Oktoonar dilkii Madaxweeynihii Dalka cabditashiid Cali Sharmaarkii oo Askari Ciidamada Booliska ka tirsan uu toogtay 15kii Oktoobar.

Waxaa dhacday in xilligaas dalka oo dhan lagu so orogay xaalad degdeg ah ciidamadana lagu amray in aay xeryahooda ku sugnaadaan .Waxaana madaxdii dalki aay bilaabeen in aay ku looltamaan jagadii banaanaatay ee madaxweeynanimad a iyadoo maydkii madaxweeynaha aan wali la asturin waxaama habayminadii 20-ka Oktoobar Naadigii SYL ka biloowday dood kulul ,hanjabaad ,iyo falaxgoodi waxaana qarka loo saarnaa gacan ka hadal halkaa ka dhaca ,goobtaas ayuu ku sugnaa Maxamad Siyaad barre .Shirkii Markii la isku mariwaayeyna natiijalaáan baa lagu kala dareeray iyadoo lagu ballamay in berrito oo isniin ah la isku soo noqdo,hasayeeshee habaynkii ayaa la miray waxaana Xukunkii dalka la wareegay Ciidamada Qalabka sida oo ahaa kuwo aad iyo aad u tababaran isla markaana lahaa nidaam iyo kala dambayn .


Taariikh Nololeedkii Maxamad Siyaad Barre:

Wuxuu ku dhashay Degmada Garbaharrey lama si sax ah looma yaqaan maalintii iyo bishii iyo sanadkii uu dhshay sababtoo ah wuxuu ku dhashay miyiga oo dadka loogu filtiriyo guga .
Waxaa la qiyaasay in Maxamad Siyaad Barre uu dhashay sanadkii 1920kii ama 1919 kii midkood.
Maxamad Siyaad Barre wuxuu ahaa curadkii Siyaad Barre oo lagu dilay Agga Ceel Miriq oo ku dhaw magaalada Dhuusomareeb.Dhuusomareeb abbaarihii 1930kii .

Maxamd Siyaad barre hooyadii oo la oran jiray shaqlan Warfaa waxaay geeriyootay 1928dii .Siyaad Barre waxaa korriimadiisa la wareegay Adeerkiis Xirsi Barre oo isna la dilay 1933dii .Siyaad Barre wuxuu isaga oo 17 jir ah kasoo kacay Miyiga Dhuusamareeb wuxuuna yimid Magaalada Beledweeyne oo loo qaatay in uu kamid noqdo ciidamadii Talyaaniga oo loo yaqiin Duubcadka .Maxamad Siyaad Barre wuxuu ka tegay Ciidamadii Duubcadka 1939kii si uu ugu aargudo adeeradiis Jaamac Barre iyo Maxamuud Barre oo lagu dilay agagaarka Dhuusomareeb.

Jaalle Maxamad Siyaad Barre wuxuu Miyiga ku guursaday xaaskiisii ugu horreysay oo la oran jiray Faadumo Aw Muuse.Maxamad Siyaad Barre wuxuu magaalada Muqdishow yimid 1941dii markii talyaanigu Inguruuska kala wareegay Koonfurta Soomaliya wuxuuna usla sanadkaas ku biiray Ciidamadii Ingiriiska wuxuuna helay dallacaadaha hoos ku xusan:

1941 Alifle
1944 labo-alifle
1952 Waxbarasho buu u aaday dalka Talyaaniga
1954 wuxuu noqday Xiddigle
1955 wuxuu qaatay Xiddigtii Labaad
1957 wuxuu noqday Dhamme
1958 wuxuu u dallacay Gaashaanle wuxuuna Madax ka Noqday Xaafiiska Sirta ee Booliska
1960 wuxuu Taliye Ku xigeen ka Noqday Ciidamadii la asaasay ee Xogga Dalka Soomaaliyeed wuxuuna Taliyihii Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed Noqday sanadkii 1965tii kaddib markii uu geeriyooday Taliyihii Xogga Soomaaliyeed Genaral Daauud Cabdulle Xirsu .
Maxamad Siyaad Barre Alla ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday Caasimadda Nayjeeriya ee Lagoos
2dii Jannaayo 1995tii.

Maxamad Siyaad Barre waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa geesi waddani ah ,oo geeriyooday isaga oo wax hanti ah oo ummaddu aay leedahay uusan meel dhigan lagana dhaxlin taas oo muujinaysa in Jalle Siyaad ahaa Madaxweeyne daacad ah .Maxamad Siyaad Barre wuxuu si naxariista iyo turidda bini adannimo ula dhaqmijiray kana takhalusi jiray cidkasta oo soo haweeysata kursigiisa .

Guulihii Kacaankii 21kii Oktoobar:

5-tii sano oo igu horreysay Kacaanku wuxuu ku socday xawli wuxuuna soo hooyey guulo lagu tilmaami karo mucjiso iyadoo la adeegsanayo Aragtida ah iskaa wax u qabso ,cidnana ha isku hallayn .

Kacaankii Waxbarashada:

Guushii ugu waynayd ee kacanku soo hooyo wuxuu ahaa qoriddii Afka Soomaaliga sanadkii 1972dii oo kacaanku ku dhawaaqay in Afsoomaaligu uu yahay Afka Rasmiga ah ee dalka Soomaaliya waxaanatallaabadaas xigtay in buugagtii dugsiyada sare ,dugsiyada dhexe iyo dugsiyada hoosaba la soomaaliyeeyo buugtii waxbarashada oo dhanna lagu qoro Afsoomaali ,waxaana tallaabadaas ku xigtay Ololihii Horumarinta reer Miyiga oo halkudhegeedu ahaa Bar ama baro .
1970kii waxaa la abuuray Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed oo xilligaas kahor ahayd machad labo sano ah o oka koobnayd oo qur ah Kulliyadaha Sharciga iyo Dhaqaalaha .Waxaa kacaanku abuuray kulliyadaha:
1.Caafimaadka
2.Injineeriyadda
3.Jooloojiyadad
4. Xannaanada Xoolaha.
5. Siyaasadda
6. Dhaqaalaha
7.Sharciga .


Warshadayntii Dalka:

Kacaanka oo goáansaday in sanadka 1980-ka Soomaaliya ka maaranto Caalamka isku filaansho buuxda oo dhinacwalba ahna gaarto wuxuu curiyey oo abuuray warshadaha soo socda:
1.Warshadda Birta Shubta
2.Warshadda labanka
3.Warshadda Shamiintada
4 .Warshadda Hilibka
5.Warshadda Hargaha iyo Saamaha
6.Warshadda Sonkorta
7.Warshadda Khudaarta
8.Warshadda Kalluunka
9.Warshadda Dhismaha
10.Warshadda Maacuunka
12.Warshadda Sigaarka iyo Tarraqa
11.Warshadda Dharka
12.Warshadda kabidda iyo Dayactirka
13.Warshadda Sifeeynta batroolka
14.Warshadda Daawada
15.Warshadda Bacrinta
16.Warshadda Caanaha
iyo Warshado Kale.

Badbaadinta Deegaanka:

Waxaa kacaanku bilaabay la dsagaalanka Xaalufidda dalka oisaga oo abuuray Wakaaladda daaqa waxaa lasameeyey seerooyin ,waxaa la mamnuucay gubidda dhirta qoyaan ,waxaa dalka oo dhan ka bilowday ololihii Bacaadcelinta sida kii shalanbood oo kacaanku awood u yeeshay in uu kaddib markii uu joojiyey bacaadkii soo gurguuranayey oo beeraha halista ku hayey in aggagii bacaadka ahaa lagu biiro dhir lagana dhigo hawd jiq ah .
Waxaa kale oo kacaanku mamnuucay dhoofinta xoolaha dheddiga ah iyo ugaarta ,wuxuu kale oo joojiyey dhoofintii dhuxusha .

Guulo iyo Gaf:

Kacaankii Oktoobar Guulaha uu soo hooyey oo aanu kor ku xusnay waxaa ka dambeeyey gafaf kacaanku sameeyey oo uu ugu weeynaa dagaalkii aan qorsheeysnayn oo lagu xoreeynayey Soomaaligalbeed ,dagaalkaas oo kacaanku galay iyadoo labada awoodood oo caalamka jirtay Ruushka iyo Mareeykankuba aay u digeen kacaanka kulana taliyeen in uusan dagaal qaadin.

Dagaalkaas natiijadeedii waxaay noqotay qalalaase dalku galo iyo dadweeynihii ku noolaa Soomaali glbeed oo dalkoodii laga soo qaxiyo .Markii laga soo noqday dagaalkii waxaa ciidamo gadooday isku dayeen bishii Aprii 9keedii 1978dii Inqilaab ku sigty in uu najaxo oo aay soo abaabuleen saraakiil ka tirsan Xogga Soomaaliyeed .

Inqilaabkaas fashilmay kaddib waxaa Siyaad Barre bilaabay in uu ciidamadii qalabka siday ku kalsoonaan waayo wuxuuna u arkay in ciidanxoog leh oo nidaamsan uu khtar ku yahay wuxuuna bilaabay in uu shaandheeyo ciidamadii uuna abuurto ciidamo gaar ah oo uu ku kalsoonyahay iyada oo jagooyinkii muhimka ahaa laga qaaday saraakiishii sarsare oo aqoonta ciidamada ku takhasusay kuwaa oo noqday buul . Waxaana taas natiijadeedii noqotay in ciidamadii qaranku aay burburaan islamarkaana midwalbaa uu qabiilkiisii ku hirto Jalle Siyaadna aay ku kalliftay in uu ka cararo caasimadda markii cid u dagaalanat uu waayey taasna waxaay dhalisay dagaalkii Sokeeye oo biloowday 1991dii ilaa maantana socda .





Source: Cabdullahi Shiikh Xusseen

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Bakool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests