Markii ay ka baxayn Ciidamada Itoobiya
Wararka ka imaanaaya Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qurac Joome ee duleedka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Ciidanka Itoobiya ayaa waxay xalay ka xir xirteen deegaanka Qurac Qoome, oo 30km u jirta Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, isla-markaana waxay dib ugu laabteen dalka Itoobiya.
Sidoo kale Ciidamada Al Shabaab, ayaa waxay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qurac Joome, xilli aysan wax weerar ah kala kulmin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan Qurac Joome, ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab ay gacanta ku dhigtay deegaankaasi, xilli aysan jirin wax iska caabin ah, oo ay kala kulantay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda.
Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya, oo ku aadan Ciidamada Itoobiya ee faarujiyay deegaanka Qurac Joome, ee duleedka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
These cat and mice chase needs to come to an end. Ilaahay kuwan dadka Qurac Joome haka qabto.