NINKA INUU NA DUUDSIIYO RABOW DIIDNAYE OGOW!
Calayaale News 27April /08
Tan iyo markii la riday taliskii MAXAMED SIYAD BARRE oo eey beelaha ku abtirsada HAWIYE kaalin libaax ka qaateen ridistiisa waxaa soo ifbaxay ififalaalo murugo leh oo beelaha somaliyeed qaarkood soo wajahay gaar ahaan beesha MUDULOOD.
Beesha mudulood ee dagta gobolada banadir, shabeelada dhexe, shabeelada hoose, galgaduud, hiiraan, mudug,jubbada dhexe, iyo waliba gobolka Somali galbeed ee Ethiopia ayaa godkeedii biyo ugu galeen.
Wixii 1990 ka danbeeyay gobolka beesha leedahay ee banadir ayaa waxaa ka taagnaa dil, kufsi, boob aan loo meel dayin oo eey geysanayeen dad aan gobolka u dhalan.
Dadkaas oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aan xasilooni iyo kala danbeyn looga hilin gobolka beesha leedahay ee banadir si ay hadhow u sheegtaan gobolka.
Gobolka banadir waa gobol istaraatiiji ah oo isku xira labada qobol ee somaliya ugu ganisan ee shabeelooyinka.
Sidoo kale, waa gobol ganacsi oo shirkadaha ugu waaweyn ee somaliya ayaa ku yaala, wuxuuna leeyahay dakad iyo airport caalami ah.
Jawigiisa oo dhexdhexaad ah iyo qudrada somaliya oo dhan ka baxda sida muuska, canbaha, cinabka, babaayga, liinta iyo kuwo kale oo loo soo iib keeno ayaa ka digtay gobolka mid beelaha qaarkood eey u hanqaltaagaan qabsashadiisa.
Shaar hawiyenimo ayaa la soo gishtay si gobolka loo sheegto markii lagu fashilmay arintaasna waxaa la soo gishtay mid diimeed oo hada taagan.
Waxaa la iibsaday goofafkii banaanaa oo guryo laga dhistay kadibna la soo dajiyay dad ka soo hayaamay gobolada abaaraha ku caanka ah.
Dadkaas intey Marti sharaf leh noqon lahaayeen bey dil, kufsi, dhac, boob kula kaceen dadkii dagaanka eey ugu yimideen.
Waxaa la bilaabay caadooyin xun xun oo somalidu eeysan horay u aqoon sida dadka oo laga beecmushtaro, biyaha wabiyada oo dadka laga qado iyo IWM.
Markii dadkaas loo sheegay in ey Marti yihiin gobolkana eey dad leeyihiin waxey marmarsiiyo ka dhigteen hadal xasidnimo ah oo aan sinaba loo qaadan Karin sida gobolkaan lama kala xigo!
Hadaba kuwa sidaas leh waxaan u sheegi lahaa in beelaha somaliyeed aan dhul iskugu darsaneeyn xamarna ey ku dhextaal bartamaha dhulka mudulood.
to be continued



