Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Siyaasi Galgal badan.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Siyaasi Galgal badan.

Postby abgaalKING » Wed Jul 30, 2008 7:01 am

Siyaasi Galgal badan oo u dhalay Cumar Xabeeb oo ahaa Dagaalyahan qoyskiisa ay aad u jeclaayeen.

Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) waa syaasi galgal badan waxa uuna ka mid yahay 3 wiil oo uu dhalay Cumar Xabeeb oo ahaa dagaal yahan qoyskiisa ay aad u jeclaayeen

Maxamed Dheere ayaa xilligii uu dalka ka talinaayey rajiimkii Maxamed Siyaad waxaa uu ahaa ganacsade aan sidaa loo aqoon balse waxa uu magaciisa soo shaac baxay dagaaladii 4 bilood ka socday magaalada Mogadisho kaas oo u dhaxeeyey Cali Mahdi iyo Ceydiid wuxuuna ahaa hormuud xagga abaabulka dagaalka aad ugu fiicnaa

Siyaasada oo ah mid dhinacyo badan ayaa waxaa soo baxday in Maxamed Dheere uu ka soo muuqday dowladii Salballaar oo iyada Ceydiid ku dhisay magaalada Mogadisho isaga iyo rag oo uu ka mid yahay Xassan Sobraale ayaa ragii Mudulood ee safkaas ka soo jeestay ugu dambeyn loo bixiyey ( facaa Tuug) waa dhaqanka soomaalida in wixii la dhiso ay burburaan Maxamed Dheere mar kale ayaa uu ka soo muuqday dhinac kale isagoo xiriir dhow la yeeshay C/llaahi yusuf oo xilligaa deganaa magaalada Galgacyo dhowr jeerna safaro dibada ah oo ay Ethiopia ka mid tahay la galay waagaas.

Mr Dheere ayaa mar kale waxa uu ka muuqaday shirkii Carte sanadii 2000 halkaas oo uu ka soo helay xubin baarlamaan balse markii dalka lagu soo noqday ka booday oo mucaaraday xukumadii Cali Khaliif Galeyr ugu dambeyn waxa uu isku badalay Hogaamiye Kooxeed Hubeysan kadib markii 14 March 2001 uu isaga oo wata 7 baabuurta dagaalka uu soo galay magaalada Jowhar oo xilligii aheyd meel dhiiga dadka iyo dilka uu ka ahaa arrin aan lala yaabin isla markaana magaalada waxa ay laheyd qad cagaaran oo jilib oo beesha Abgaal ka tirsan ay kala dhigteen waxaa magalada ka jiray Ugaarsi iyo in aano qabiil la isku dilo mana laheyn maamul ka aramiyo waana tan keentay inuu Maxamed Dheere u soo hanqal taago magaalada

Waxqabadka shaqsiyadeed ayaa ah mid aan la inkiri Karin dhabtii magaaladii sidaa aheyd waxa uu Maxamed dheere ka dhaliyey nabad aad loola yaabay dad badana ay u bogaadiyeen waxaana dhacday in magaalada aanan wax qori aan lagu arkin xataa waxaa jirtay in Police ay bundad oo kaliya ay sitaan dhinaca kale ayaa jirtay in Mr Dheere uu lahaa dhaliilo badan mudadii 5 sanno ee uu ka talinaayey magaalada isagoo gacan adag ku xukumi jiray isla markaana uu ganaax aan loo kala aabo yeelin lagu xukumi jiray dadka magaalada degan

Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SRRC Awasa oo loogu tala galay in lagu mijin xaabiyo Maamulkii Carte lagu soo unkay sidoo kale ayaa ka ahaa ergadii ka qeyb gashay shirkii Mbaghati oo uu xubin baarlamaan ka soo helay waxa uuna ahaa ninkii Cali Maxamed Ghedi siiyey fursadiisii Ra'iisul Wasaarenimo kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyey in xubinta Ra'iisul Wasaaraha laga soo xulo 275ta xildhibaan dhexdooda sidaa uu Maxamed Dheere kursigiisa ugu huray Cali Geedi oo ay beel wadaag ahaayeen wuxuuna ahaa ninkii dowlada ku soo dhaweeyey gobolkiisa oo ay saldhig ka dhigatay balse markii dambe isku dhacyo badan oo isaga iyo Madaxweyne Yusuf ay dhalisay in dowlad ay ka guurto Magaalada Jowhar sidoo kale ay jireen hadalo Maxamed Dheere uu ku aflagaadeeyay Madaxweynaha, kadib markii uu Madaxweynuhu go'aansaday inuu u guuro Magaalada Baydhabo.

Waxaana uu xilligii ay dowlada ku sugneyd magaalada Jowhar uu suura geliyey in magaalada ay marti geliso shirkii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo dhabtii la dhihi karay Jowhar waa ay u qalantay maxaa yeelay waxay xilligaa ka amaan fiicneyd magaalooyin badan oo mandiqada ku yaalay

Markii ay magaalada Mogadishu ay ka dhaceen kacdoonkii Maxkamadaha Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa raggii ku waayey fadhiisamadii ay lahaayeen isagoo la kala wareegay magaalada Jowhar waxa uuna mudo lix billood uu ku sugnaa degaanka Qurac Joome oo uu ka waday abaabul ciidan waxa uuna durbadiiba heshiis la galay dowladii KMG oo xilligaa fadhigeeda ahaa magaalada Baydhabo sidoo kale ayaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii soo galbiyey ciidamada Ethiopia ee dalka soo galiyay in kastoo la sheego in ay ku soo gashay amarka dowladda

Maxamed Dheere 27-da December 2006 ayaa uu soo caga dhigay magaalada Jowhar isagoo dadka u sheegay in leys cafiyo manta wixii ka dambeeyana ay dowlada dalka u talin doono wixii horena anan jirin

Dad badan ayaa xilligaas aaminsanaa in Maxamed Dheere uu ku soo laaban doono xukunkiisa Magaalada Jowhar oo ay dowlada u soo magacaabi doonto balse taa waa uu ka fogaa damaca Maxmed Dheere waxaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaare Geeddi loogu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalada Mogadishu waxaana xilliga uu halkaas ka talinaayey uu la yimid isbadalo badan isagoo ku dhaqaaqay nidaam uu ku sheegay in la soo celin doono billacdii magaalada isla markaana burburiyey dhismaha sharci darada ah ee laga dhisay wadooyinka

Dadka Maxamed Dheere dhaliila ayaa ku sheegay in uu sameystay ciidamo u gaar ah oo qaska magaalada ka jira ka qeyb qaato isla markaana la sheegay in lacagta ka soo gasha siinka dheer oo ay joogaan ciidamadiisa uu siduu doono ugu takri falo

Tan iyo markii la riday xukumadii Cali Geedi ayaa ay soo baxayeen in rag uu ka mid yahay Maxamed Dheere xilka laga qaadi doono inkastoo ay iminka dhacday xil ka qaadistaas, waxaase la dhihi karay is casilaadii Geeddi sameeyay, garab ka go'ay Maxamed Dheere.

Dadka qaar ayaa miisan in fikrada Maxamed Dheere xilka looga qaaday uu lahaa Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Ahmed Cabdisalaan oo sida la ogsoon yahay ay isku dhaceen isaga iyo Maxamed Dheere, waxaana qorshahaas uu sanka ka geliyay Nuur Cadde oo lagu xanto in ay yihiin saaxibo dhow

Waxaana isweydiinta tahay sida uu ahaan doono xaalkiisa maadaama aan ognahay inuusan jirin xil u haray isagoo shaqsi caadi ahaa miyuu magaalada dhinaciisa kaga noolaan mise waxaa uu kala soo noqon doonaa xubintiisa Baarlamaan Mr Geeddi oo isaga damaciisa siyaasada ay tahay inuu ka qeyb galo doorashada sanada 2009ka, waxaase wali dhegta loo taagaya Go'aanka Madaxweynaha oo Maxamed Dheere ay rajo gelineyso inuu sii haayo Xilalka Laga qaadi, iyadoo ay muuqaneyso in Madaxweyne Yuusuf uusan raali ka aheyn

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest