(28-08-2008) Loolankii Siyaasadeed oo uu Cabdullahi Yuusuf ku doonayay inuu ku eryo Nuur Cadde ayaa ku dhamaaday heshiis ay ku saxiixdeen caasimada cadowga ee Addis Ababa. Heshiiska ay saxiixeen wuxuu qeexayaa in Nuur Cadde uu soo dhisayo maamulka Banaadir halka Cabdullahi lala tashanayo oo keliya. Cabdullahi ayaa ku doodayay inuu isagu leeyahay awooda magacaabida iyo diidmo "viito" laakiin awoodaas waa laga xayuubiyay oo waa ay dhamaatay amar laga sugayo.
Nuur Cadde wuxuu kaloo ku guuleystay in arrintii la isku dagaalay ee shaqa ka fariisintii facaatuug Maxamed Dheere ku dhamaatay in amarkii Nuur Cadde uu hirgalo halka Cabdullahi lagu sanduleeyay inuu aqbalo arrintaas oo u horey u diiday.
In kastoo 10 kii wasiir ku sheeg ee Cabdullahi ku garab istaagay inay is casilaan laga aqbalay inaan la eryin ayay haddana noqonayaan dad aan lahayn miisaan siyaasadeed mar haddii is casilaadooda waxaan qiima lahayn laga soo qaaday.
Cabdullahi ciilka haya iyo daciifnimadiisa in laga dhigo sida madaxweynaha Itoobiya oo kale nin aan awood lahayn waxaa caddeyn kale u ah saxiixiisa heshiiska waxaa loo malaynayaa inuu qoray canug far barad ah.



