Koobkan oo halkaasi ka socday muddo bil ah ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 16 kooxood oo loo qeybiyey 8 Seria A ah iyo 8 kale oo Seria B ah, kuwaasoo ka dhisan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana koobka Seria B-da ku guuleystay kooxda FC Guriceel oo 3-0 kaga adkaatay koox ka socotay degmada Wardhiigley ka dib ciyaar Final ah oo maalintii doraad dhexmaratay.
Ciyaartii finalka aheyd ee shalay ka dhacday garoonka OFC degmada X/weyne ee kooxaha Seria A-da ayaa waxaa iskaga horyimid iskuguna soo haray kooxaha Waaberi iyo X/jajab waxaana ciyaartaasi oo aheyd mid aad u xiise badan oo ay u soo daawasho tageen dadweyne boqolaal gaareyey ay ku dhamaatay 1-1 barbardhac ah, waxaana markii dambe rigoorayaal 3-4 ah ku guuleystay kooxdii ka socotay degmada X/jajab oo ciyaartoyda ugu cad cad ay ka mid ahaayeen Sheekhunaa, Aashariif iyo Maxamed C/llaahi, halka kooxda kaalinta 2-aad gashay ee Waaberina laga xusi karo ciyaartoydii ugu furfrcoonaa Marshalle C/llaahi Faarax, Qaasim Kariina iyo kuwo kale.
Kooxdii ku ciyaareysay magaca degmada X/jajab ee ku guuleystay koobkaasi lagu maamuusayey aasaaskii sanadguuradii machadka Olymbic Fitness Center ayaa waxaa koobkaasi gudoonsiiyey mas’uuliyiin isboorri ee ka qeyb gashay daawashada ciyaartaasi finalka aheyd oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur Mukambe oo hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey kaga waramay muhimada ay tartamada noocan oo kale ah u leeyihiin horumarinta isboortiga Soomaliyeed.
Sidoo kale, Machadka Olymbic Fitness Center ayaa waxaa uu halkaasi ku bixiyey abaal marino iyo hadiyado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kubado funaanado iyo markii ugu horeysay cimaamado, kuwaasoo la gudoonsiiyey qaar ka mid ah ciyaartooydii ugu anshaxa badnaa intii uu socday tartankaasi iyo dadkii kale ee wax abaabulka tartankaasi oo ahaa mid aad u xiise badan, waxaana abaabulka tartankaasi iska lahaa madaxa xarumaha Olymbic fitness Center ee magaalada Muqdisho C/llaahi Axmed (Joorje-Colow) oo ah halyey Soomaaliyed oo ku caanbaxay horumarinta iyo dhiiregelinta isboortiga iyo ciyaartoyda Soomaaliyed una huray naf iyo maal xili dalku uu ku sugan yahay xaalad adag




