Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

CANSOMA program in Mogadishu

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

CANSOMA program in Mogadishu

Postby Somaliman50 » Sat May 16, 2009 4:33 pm

Munaasabad lagu furayay Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA Oo lagu qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Global, waxaana munaasabadda furitaanka Xafiiska Faraca Hay’addaasi CANSOMA ka soo qeyb galay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, sida: aqoonyahanada, ururrada bulshada, waxgaradka, madax ka tirsan ururrada bulshada iyo marti sharaf fara badan.

Xubnaha ka hadlay furitaanka Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA waxaa ka mid ahaa: Wakiilka Uqaabilsan Soomaaliya Hay’ada Horumarinta Barnaamijyada Bulshada ee (Cansoma) Mudane C/raxman Xaaji C/llaahi oo Si weyn ugu nuux nuuxsaday sababta loo aasaasay Heya’da CANSOMA iyo Waxqabadkeeda Mustaqbalka,

Md. C/raxmaan Xaaji C/llaahi Sh. Muxumad oo ah wakiilka Hay’adda CANSOMA oo khudbad ballaaran ka jeediyay munaasabadda furitaanka Xafiiska Faraca Hay’adda Cansoma Soomaaliya uu wakiilka u yahay, wuxuuna ka qeyb galayaasha u faahfaahiyay ujeeddooyinka loo asaasay Hay’adda.

“Tan iyo Bilawgii dagaalkii sokeeye ee dhamaadka 1990-kii, Haweenka, Dhalinyarada iyo caruurta ayaa ahaa kuwo dhibaatada ugu badan ay soo wajahday markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay mudada 18-ka sano ah waxay galaafteen nolosha malaayiin shacab Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badnaa haween iyo caruur aan waxba galabsan, waxayna dagaaladaasi sokeeye sababeen kumanaan qoys oo hooy la’aan ah soo wajahday, qaar ka barakacay guryahooda, iyadoo tirada dadka ku geeriyooday lagu qiyaasay tan iyo 1991-kii, 350,000-1,000,000 (sadex boqol iyo konton kun illaa hal Milyan) taas ayaa waxay sababtay in la furo Hayad lagu magcaabo Hayadda Gargaarka ee CANSOMA (CANSOMA COMMUNTY DEVELOPMENT PROGRAMS). “ Ayuu Yiri Md, C/raxman Xaaji C/llaahi oo ah Wakiilka Hay’ada Cansoma.

Mudane C/raxman ayaa sidoo kale sharxay Cida ay Tahay Cansoma” Cansoma waa urur caalami ah, oo aan faa’iido doon ahayn, kaasoo bulshada Soomaaliyeed ka taageero Barnaamijyada Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada.

“Ururka Cansoma Xarunteeda Waa Ottawa, Ee Wadanka Canada”

“Ururku Waxa uu Ku Talo Jiraa Inuu Wax Ka Qabto dhibaatooyinka sababa fakhriga, isagoo marka uu ogaado waxyaabaha keenana ku dhaqaaqaya sidii uu u tirtiri lahaa ama u yareyn lahaa”

“Habka ugu macquulsan u dabaqaya ka sal gaaridda yoolkiisa”, isla markaana caawinaad ka helaya Mujtamaca Madaniga ah ee doonaya inay dhibaatadaas ka baxaan. “

“Hay’adda CANSOMA ujeeddooyinka loo asaasay waa inay caruurta iyo dadka da’da ah ka caawiso baahidooda asaasiga u ah nolosha, gaar ahaan cunada, dharka iyo waliba dib u dhiska goobaha waxbarashada” ayuu yiri Md. C/raxmaan Xaaji oo dhinaca kale sheegay in hay’ada Cansoma dayactir ku sameyn doonto Iskuulada, Cisbitaalada iyo maktabadaha,

Sidoo kale waxa uu sheegay wakiilka in Hay’adda CANSOMA ay tababaro u fureyso macallimiintii hore iyo kuwo cusub, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa barnaamijyada waxbarashada dadka waaweyn, fidinta deeq waxbarasho jaamacadeed, ardayda dhameysay Dugsiyada Sare.

“Waxaanu caawin doonaa ardayda dhameysatay dugsiga sare ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharajka Jaamacadda in Hay’adda CANSOMA ka bixiso” ayuu yiri Md. C/raxmaan Xaaji C/llaahi oo dhinaca kale sheegay in guud ahaan ardayda iyo dadka doonaya inay horumariyaan waxbarashadooda ay gacan siin doonaan.

Ugu Dambeentii Mudane C/raxman Xaaji wakiilka Hay’ada Cansoma ayaa waxa uu mahad gaar ah usoo jeediyay dhamaan qeybihi kazoo qeyb galay munaasabada Xafladaani isagoo ubalan qaaday bulshada Soomaalyeed in ay si dhab ah wax ugu qaban doonaan.

“Hay’ada CANSOMA ayaa waxa ay u diri doontaa Shaqaalo Mutadawiciin ah gudaha Somalia to ay u xaqiijiyaan in Deeqadaha la gaarsiiyay Bulshooyinkaa Baahan loo isticmaalay si sax ah iyo in Mashruucyadu ku dhamaadeen soo loogu tala galay.

Halku Dhiga Hay’ada Canosma ayaa waxa uu noqday
Wada jir baynu ku sameen karnaa isbadal!
Kuna dhisi karnaan mujtamac mar qura!

Sidoo kale Munaasabadaan furitaanka xafiiska Faraca Hay’ada Cansoma ee Soomaaliya ayaa waxa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka midyihiin, Xasan Maxamed Cali (X. Cowsey) Gud. Degmada Warsheekh, Xasan Maxamuud Xusen (Xasan Wiish) oo ku Hadlay Magaca Ururada Bulshada Soomaaliyeed, Sh: Ismaaciil Cali Cumar oo Ka hadlay Arimaha Diinta iyo Waxa ay ka qabto in la isku gar gaaro, Cusmaan Shiikhey Xaaji oo isagana ku hadlay magaca Bulshada , Yaasir Cantar C/llaahi oo ku hadlay Magaca Dhalinyarada, Boosteeyo M.Muuse oo iyadana ku hadashay Magaca Haweynka Soomaaliyeed, Shamso Sheekh maxamed oo iyadana ku hadashay Magaca Gabdhaha Soomaaliyeed, iyo xubno kale, waxayna dhammaantood si weyn u soo dhoweeyeen furitaanka Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA, iyagoona sheegay inay ku soo beegantay xilli bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay in laga caawiyo dhibaatooyinka faraha badan ee ku heysta dalka gudihiisa.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

User avatar
Ayub21
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Mar 16, 2009 9:24 am
Location: Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun

Re: CANSOMA program in Mogadishu

Postby Ayub21 » Sun May 17, 2009 3:35 am

that hotel is in kaaraan its owned by a gaber cali cumar eh oo degan talyaniya :up:

User avatar
Twisted_Logic
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists

Re: CANSOMA program in Mogadishu

Postby Twisted_Logic » Tue May 19, 2009 6:18 am

Ayub21 wrote:that hotel is in kaaraan its owned by a gaber cali cumar eh oo degan talyaniya :up:


Celi Omar my friend...Celi omar

Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: CANSOMA program in Mogadishu

Postby Addoow » Tue May 19, 2009 6:20 am

correction hodhelku wuxuu ku yaala shibis,not kaaraan!!

User avatar
Ayub21
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Mar 16, 2009 9:24 am
Location: Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun

Re: CANSOMA program in Mogadishu

Postby Ayub21 » Tue May 19, 2009 12:56 pm

Addoow wrote:correction hodhelku wuxuu ku yaala shibis,not kaaraan!!


technically yes, waxuu ku yaala xafada madaxtooyada ee shibis tii hore ee Adan cadde. lakiin karaan waxaa waaye xafadaha ugu dambeeyay waxeeyna leedahay 7 xafadood hada waxaa jiro xaafad ladhaho sanca waxeeyna ku darsantahay xafada madaxdooyada ee shibis.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests