Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed waa kuma

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
hadafou
Posts: 11
Joined: Mon Mar 30, 2009 8:51 am

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed waa kuma

Postby hadafou » Tue Jun 16, 2009 8:49 am

Image

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed





Waxa uu ku dhashay Mahaday, Shabeellaha Dhexe – Soomaaliya bishii Luuliyo 1964 kii. wuxuu ahaa madaxii midowga maxkamadaha islaamiga. wuxuu jaamacado ka soo dhigtay dalka Libiya iyo Suudan. wuxuu ahaa macallin dugsi sare ka dhiga juqraafi iyo carabi iyo culuumta diiniga ah. shiikh shariif wuxuu ku hadlaa luqadaha Carabiga Soomaaliga,Ingiriiska,italia,franca dutcht iyo duitch.


waxbarashadiisa
Sheekh Shariif wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay dugsiga shiikh suufi oo xiriir la lahaa jaamacadda Al-Azhar University ee dalka masar. ka dib wuxuu aaday wadanka suudaan wuxuu galay jaamacadda Kordufan University dhamaadkii 1992 kii. wuxuu ka qaatay shahaado bachelor ah ee luqadda carabiga iyo juqraafiga wuxuu ku qaatay magaalada aldalanj. 1994 waxaa jaamacadda magaceeda loo bixiyey University of Dalanj. shiikh shariif wuxuu tagay tripoli, caasimadda dalka liibiya. wuxuu galay jaamacadda Open University wuxuuna shahaado ka qaatay kulliyada qaanuunka iyo shareecada islaamka wuxuuna ka qalin jabiyey 1998 kii.

Waa kuma Shariif?
Shariif Shiikh Axmed, waa hoggaamiyihii Maxkamadaha Shareecada ee sannadkii 2006 ka talinayay gobollada Dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya badankood, ka hor intii aanay dagaal ku qaadin xarunta dowladda oo markaa ahayd Baydhaba. Berigii ay Maxkamaduhu dagaalka kula jireen kooxdii la baxday Argagixisa la dirirka, Shariif Shiikh Axmed, waxaa uu lahaa taageerayaal aad u fara badan, gaar ahaanna waxaa si weyn looga taageersanaa magaalada Muqdisho xasilooni aan dhicin tan iyo intii ay khadka ka baxday dowladii kaligiii talis siyaad waxay maxkamaduhii uu shariifku hogaaminayey keeneen nabad.


Burburkii maxaakiimta islaamkabishii december 2006 markii maxkamadaha laga adkaaday lix bilood oo ay maamulayeen caasimadda iyo koofurta badankeed kadib wuxuu shiikh shariif go'aansaday inuu la sii dagaalamo ciimadii itoobiyaanka ee dalka ku soo duulay. awood u mayeelan iney mar kale dib u soo noqdaan shiikhu wuxuu markaa galay xuduuda kenya oo markaa isu dhiibay ciidamada kenya asiga iyo saddex nin oo kale bishii jannaayo isla sanadkii 2006 wuxuu kenya kula kulmay safiirka mareykanka waxayna ka wada hadleen arrimaha taageerada dowladda waxaa mudda lagu haayey hotel ku yaalla nairobi oo ay ciidamada kenya ku waardiyeynayeen ilaa bishii february markaa uu tagay dalka yemen oo la rumeysnaa iney joogaan saaxiibadiis maxaakiimtu. wuxaa uu xulufo la noqday asiga saaxiibka shiikh xasan daahir rag kaga soo tagay arima siyaasadeed dowladii TFGda magaalada casmara ee dadlka eretrie laguna aasaasay isbeheysi la yiraahdo (dib u xoreynta soomaaiya).


Qoyska shiikha iyo sifaadkiisa
shiikhu wuxuu leeyahay xaas iyo laba wiil axmed oo sagaal jir ah iyo c/llhi oo ka yar. shariifku waa nin naxariis badan dhalinyara ah jecel inuu isla simo dadka sida caadiga ah waa nin waji qurxan gar leh shaarub lahayn tinta waa gaabsadaa koofi ayuu xirtaa badanaa.


Doorashadii madaxtinimoshariifka waxaa soo sharaxday isbheysigii ARS ee uu hogaaminayey wuxuuna u muuqanayey ninka kaliyata ee hanan kara jagada ugu sareysa ee dowladda. markii ay bilaabaneysay doorashada waxaa tartanka kula jiray rag gaaraya ilaa (10)nin oo ka wada yimid dhanka dowladii TFGda ee uu hogaaminayey c/llhi yuusuf. wareegii ugu horeeyey waxaa ku soo baxay lix nin ee uu ugu horeeyo shariifku wuxuuna ka helay 215 cod halka rag ay kamid yihiin ay heleen raisal wasaarihii hore nuur cadde oo helay 59 iyo maslax oo helay 60 cod saddexda kale ayaa helay codad intaa ka sii hooseeya waana ay wada tanasuleen dhamaan marka laga reebo maslax oo ku adkeystay tartanka. wareegi ugu dambeeyey wuxuu shariifku kaga adkaaday doorashadi maslax wuxuuna helay 293 cod maalin kadibna waa loo caleemasaaray xilka madaxweynaha.

Waxaa laga keenay "http://so.wikipedia.org/wiki/Sheekh_Shariif_Axmed"

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests