Inta doqon fariid yahay,
dib u socod kacaan yahay,
dabaalna uu wax garad yahay,
dambiilane garsoor yahay,
dulmine xaqa ka mudan yahay,
darajana qabiil tahay,
dablene janan ka adag yahay, in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola,
inta weeshu doox tahay ha ku quusto dibiguye, inteey tahay idaawada ana dooga aan cuno dufankana afka gacmaha mari afkaagana dabool saar, Ninki dayacay dhulkiisii intow igu dulnool yahay, Inta dirinta iitaal Adna dabaqyo leedahay.
Abwaankii Caanka ahaa ee cabdulle Raage Taraawiil




