Ciidamada Taraafikada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta ka wado wadooyinka magaalada Muqdisho howlgalo ay ku qab qabanayaan gaadiidka aanan laheyn aqoonsiga iyo ruqsada wadida.
Meelaha sida aadka ah loogaga dareemayey ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukaram, jidka hor maro madaxtooyada, Isgoysyada NO:4 iyo Zoobe iyo meelo kale halkaasi oo ay joogeen ciidamo baarayey baabuurta.
Darawalada gaadiidka qeybihiisa kala duwan ayaa la weydiinayey ruqsada waditaanka baabuurta ee loo yaqaano Leyssanka iyo sidoo kale aqoonsiga nambarka baabuurta ee taargaha.
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa bilowday bixinta taargooyinka sanadki 2007, tan iyo markaasi waxa ay baabuurtu ahaayeen kuwo uu ku dhacayey ganaax hadii aysan wadan taargooyin.
Bishi ayey aheyd marki wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka ay ka furtay magaalada Muqdisho xafiisyo bixinaya ruqsada kaxeynta baabuurta sidoo kalana ay furtay laba dugsi oo lagu baranayo wadista baabuurta.
Horseed Media



