Page 1 of 1

Tarsan oo xafiiskiisa ku qaabiley Mark Bowden

Posted: Mon Nov 28, 2011 4:04 pm
by TheblueNwhite
Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha Hayadaha UN-ka oo u hogaaminayay xiriiriyaha dhanka Bani’aadanimada Q.M u qaabilsan Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka kala socotay qeybaha hayadda UN-ka oo uu sidoo kale ka mid ahaa Alvaro Rodrigues Madaxa Hay’adda barnaamijyada Horumarinta u qaabilsan Q.M UNDP (Head of UNDP Somalia), waxaana ay kawada hadleen gudoomiyaha gobolka Banaadir arimmo la xiriira sida loo hormarin karo Caasimadda iyo sidii howlaha gargaarka loosii wadi lahaa.
Wafdiga ka socda qeybaha kala gadisan ee UN-ka ayaa sidoo kale ka codsaday duqa magaalada Muqdisho in ay xafiis ka furtaan gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir, si beey yiraahdeen aanu u daboolno ama u hirgelino Barnaamijyada horumarinta , iyo shaqo u abuurista dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay qorshe yaasha cusub ee hayadaha Qaramada midoobay ee ku aadan shaqo u abuurista da’yarta Muqdisho , iyo sugidda amniga caasimadda, wuxuna ugu baaqay iney ka dhabeeyaan in shaqo loo abuuro dhalinyarada magaalada Muqdisho ku dhaqan.

“Waa Arrin aan soo dhoweyneyno shaqo abuurista dhalinyarada Muqdisho, waxeyna qeyb ka qaadan kartaa amaanka magaalada, waxaana yaraan doona fal dambiyeedyada dhaca haddii dhalinyarada shaqo hesho sidoo kale tacliinta ayaa sare u kici doonta” ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Tarsan duqa magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Q.M ee uu hogaaminayay xiriiryaha Bani’aadanimada mr Mack Bowden oo maanta kulan xafiiskisia kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen iney hirgelin doonaan mashaariicda kahor ciidda miilaadiga ee sanadka cusub.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u gudbiyay baahiyaha magaalada Muqdisho ay qabto, waxaana mr Mack Bowden uu dhankiisa balan qaaday iney u gudbin doonaan hayadaha deeqaha baxiya.

Waxaana kulanka maanta uu kusoo idlaaday jawi gadan, ayadoo dhinacyadii kulankaasi qaatay ay isku afgarteen waxyaabihi ay kawada hadleen.
Image
Image
Image

Re: Tarsan oo xafiiskiisa ku qaabiley Mark Bowden

Posted: Tue Nov 29, 2011 7:08 am
by greenday
:up: :up: