Waxa ay guddoomiyaha ku war galiyeen in sida ku cad qiyaas la sameeyay sanadkii tagay ay Beesha Sade tahay Beesha Saddexaad ee ugu badan beelaha dega Gobolkan Banaadir. Sidaa daraadeed ay muhiim tahay in ahmiyada la siiyo in Beesha Sade ka hesho Gobolka Bannaadir waxa ay caadiyan astaahisho.
PIX
http://www.allgedo.com/Phoenix/bm4%20qsharaf.JPG
http://www.allgedo.com/Phoenix/bm5%20qsharaf.JPG
http://www.allgedo.com/Phoenix/bm%20qsharaf.JPG
http://www.allgedo.com/Phoenix/bm2%20qsharaf.JPG
.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Mudane Aw Xirsi oo manta waxgaradka Beesha Sade ee Gobolka Banaadir ku martiqaaday Hotel Saxafi
Mogadisho, Somalia - Guddoomiyha Gobolka Gedo, Mudane Aw Xirsi waxa uu manta Hotel Saxafi qadasharaf ugu sameeyaay Odayaasha iyo wax garadka Beesha Sade ee ku dhaqan Gobolka Banaadir. Qadada kadib waxa uu guddoomiyu qudbad dheer oo uu uga hadlay safarkiisii Gobolka, Hadafkiisa Siyaasadeed ee mustaqbalka iyo xaalada uu gobolku haatan ku suganyahay iyo waliba waxa mustaqbalka dhaw u qorshaysan maamulkiisa u jeediyay wax garadkii kulanka joogay isaga oo si aad ahna ugu dheeraaday in siyaasiyan uu aamin sanyahay shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka dega. Waxa uu guddoomiyuhu waxgaradkaa uga war bixiyay sida ay ula muuqato isaga in gobolka lagu bad-baadin karo dadweynuhuna horumar ku gaari karaan.
Waxaa sidoo kale guddoomiyuhu waxgaradka Sade eek u sugan caasimada ku war galiyay in ay guddi iska dhex xulaan isguna uu xiriirin doono guddiga iyo madaxda dawlada gaar ahaana uu xiriirindoono kulamo dhexmara guddiga Beesha Sade ee Muqdisho iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Dhinaca Cuqaasha iyo waxgaradka Sade ee caasimadu waxay guddoomiyaha ugu hanbalyeeyeen xilka culus ee loo dhiibay iyaga oo ku dhiiri galiyay in ay garabtaagan yihiin habeen iyo maalin illaahayna ay uga baryayaan in uu u fududeeyo xilkaa culus.
Marka laga yimaado hambalyada iyo bogaadinta waxa ay wax garadkani guddoomiyaha uga war bixiyeen arrimaha deegaanka ay ku nool yihiin. Waxa ay guddoomiyaha ku war galiyeen in sida ku cad qiyaas la sameeyay sanadkii tagay ay Beesha Sade tahay Beesha Saddexaad ee ugu badan beelaha dega Gobolkan Banaadir. Sidaa daraadeed ay muhiim tahay in ahmiyada la siiyo in Beesha Sade ka hesho Gobolka Bannaadir waxa ay caadiyan astaahisho.
Ugu danbeytii, waxa ay guddoomiyaha iyo cuqaashani isku af garteen in ay ka wada shaqeeyaan hurumarka Beesha Sade iyo Gobolada ay egto.
Maxamed Gurxan Ciise, Allgedo, Muqdhisho/Soomaaliya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com






