Time to wake up and smell the coffee now?
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: Ma Dhacayso in Muqdisho ay Hoostagto Maamul Goboleed Gaar ah
Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin in magaalada Muqdisho ay hoostagto maamul goboleed gaar ah ayna ka hor imaaneyso sharafta caasimada.
Gudoomiyaha oo maanta khudbad ka jeediyey munaasabad dadweyne badan ka soo qeybgaleen oo ka dhacday degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka dalbaday guddiga dastuurka iyo baarlamaanka KMG ah inay soo qeexaan xeerka caasimada Soomaaliya.
“Ma dhacayso in Muqdisho ay hoostagto maamul goboleed gaar ah, caasimada Soomaaliya waxay leedahay mudnaan gaar ah waanan meel dadkoo dhan u siman yihiin, ninkii yiraahda maamul goboleed ayaan ka dhigayaa waa wax aan dhacayn.” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir oo si gaar ah u weeraray maamulka cusub ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho kaasoo loo bixiyey Banaadir State.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa digniin u diray maleeshiyada hubeysan ee amaandarida ku haya dadweynaha Muqdisho.
Abaalmarin la ballanqaaday
Tarsan wuxuu dhanka kale abaalmarin xoog leh u ballanqaaday cidii soo sheegta saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ama meelaha ay hubka ku keydsadaan kooxaha Al-Shabaab iyo kuwa amaandarida ka wada caasimada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in abaalmarinta ay noqon doonto kala bar hubka ama qiimaha qalabka la helo haddii la soo sheego.
http://www.raxanreeb.com/2012/03/gudoom ... d-gaar-ah/





