Postby TheblueNwhite » Mon Apr 30, 2012 1:25 pm
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta ciidamada ilaalada wadooyinka waxa ay ku wareejiyeen afar mooto oo ay ku howlgalayaan ciidamada ilaalada wadooyinka.
C/kaafi Hilowle Cismaan oo ah Xoghayaha Maamulka Gobalka oo maanta saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay in mootooyin gaaraya afar maamulka gobalka maanta ay ku wareejiyeen masuuliyiinta ciidamada ilaalada wadooyinka.
Xogahaya Maamulka Gobalka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in maamulka Gobalka Banaadir ay bixiyeen lacagaha lagu iibiyay mootooyinkaasi islamarkaana ciidamada ilaalada wadooyinka markii hore ay lahaan jireen hal mooto oo kaliya.
C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa waxa uu mootooyinkaasi ku wareejiyay Taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada wadooyinka oo lagu magacaabo Muxudiin Geedi.
Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa waxa ay ka howlgalaan isgoosyada waaweeyn ee magaalada Muqdisho waxaana ay yihiin kuwa kala haga gaadiidka inkastoo sanadihii dambe dalka Soomaaliya uusan lahaan jirin ciidamo ilaaliya wadooyinka.