Postby TheblueNwhite » Tue Jun 05, 2012 11:15 pm
QOL - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qaybo ka tirsan Muqdisho ka bilaabay qorshe wadooyinka lagu galinayo nalalka ku shaqeeya soolarka.
Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in howsha layrarka soolarka ku shaqeeya lagu galinayo wadooyinka caasimada ay bilaabeen maanta si tijaabo ah islamarkaana ay dhawan wada galinayaan wadooyinka Muqdisho.
Masuulkaan ayaa sheegay in qorshahaan uu maamulka Gobolka Banaadir ka caawinayso dawlada Norway oo taageero balaran siinaysa iminka ay wadan Hirgalinta Qorshahaasi.
Mr Cabdi Kaafi Hillowle Cismaan oo ah Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyay in qorshahaan uu gacan wayn ka gaysanaayo sugida nabad galyada iyo bilicda caasimada.
Hirgalinta tijaabada ah ee ku adaan qorshahaan caasimada Somaliya ee Muqdisho looga hirgalinaayo nalalka Qoraxda ku shaqeeya ayaa haatan laga wadaa wadada wayn ee Makkah Al-Mukaramah.
Tani ayaa noqonaysa mid ak mid ah tilaabooyinka Horumarka leh ee uu wado maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka reer Muqdisho tusalaaynaya adeegyada dawladeed oo ay dalka ugu dambaysay dhawr iyo labaadan sano ka hor.