Last man standing Halyeey Mudane Maxamed Abuukar Cali AKA Jacfar officially hands over his seat to his hand picked successor Axmed Nuur Cabdi Siyaad aka Aanas aka his little cousin (meaning unofficially he will still be the boss).
Meanwhile Mungaab was hit with persona non grata
Waxaa Xalay Xarunta Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir ka dhacday Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) iyo Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi Axmed Nuur Cabdi Siyaad.
Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowlada uu ugu horeeyo Gudoomiye kuxigeenka Dhimaca Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ,Taliyaha Saadka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen.Bariise , Xildhibaano , qaar kamid ah Gudoomiyaasahii hore Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa Cusub ,Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u tiro badan.
Intii ay socotay Munaasabada waxaa dadka maaweelinayay oo Heeso qiiro badan oo qaarkood loo sameeyay Degmada Howl-wadaag halkaasi kusoo bandhigay Kooxda Hilaac oo kamid ah Kooxaha Fanaaniinta ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho.
Munaasabada waxaa sidoo kale intii ay socotay lagu soo bandhigay Fardo aad loo soo qurxiyay oo leedahay Degmada Howl-Wadaag , Ciyaaro hidaha iyo dhaqanka iyo Filim ka hadlayay waxqabadkii Degmada Howl-wadaag gaar ahaan sida ay hada tahay Degmada iyo sidii ay ahaan jirtay.
Munaasabada waxa akasoo qeyb galay una hambalyeeyay Maamulkii hore iyo Maamulka Cusub ganacsato Soomaaliyeed oo dalka iyo dibadiisa caan ka ah uu ku jiro Gancsadaha weyn Cabdi Cali Faarax.
Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) Gudoomiyaha wareejinayay Xilka Degmada Howl-wadaag oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xilka laga qaado uuna si sharafi ku jirto ku wareejiyo , waxa uuna tilmaamay in Xiligii loo baahnaa ay kusoo aaday in uu xilka ka dago.
‘’ Waxaan ku faraxsanahay in aan xilka ku wareejiyo Axmed Nuur oo ah nin aqoonyahan oon filayo inta aan qabtay kabadan in uu qaban doono , waa wax lagu farxo in Dhalinyaro dalka wax usoo baratay in xilka ay la wareegaan xiligan , maahan in dhalinyaradaasi lagu tilmamao kooxo iyo Wadan hebel ayey wax kusoo barteen , waxa ay xaq u eeyihiin in dalkooda wax ka noqdaan ‘’ ayuu yiri Jacfar.
Gudoomyihii hore ee Degmada Howl-wadaag ayaa Maamulka Cusub ee Degmadasai la wareegay u balan qaaday in uu la shaqeyn doono intii karaankiisa , waxa uuna ugu baaqay Shacabka dagan Howl-wadaag in dhankooda sidii ay isaga ula soo shaqeeyeen ula shaqeeyaan Maamulka Cusub.
Gudoomiyaha cusub ee Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad (Aanas)oo isna ka hadlay Munaasabada uu xilka kula wareegayay ayaa aad ugu mahad celiyay Maamulkii hore uu Hogaaminayay Jacfar , waxa uuna dhankiisa balan qaaday in Howl-Wadaag halka ay maanta joogto uu kasii dhaqaajin doono uuna ka shaqeyn doono amaanka iyo Hormarinta Degmadaasi.
Mudane Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa ka codsaday Bulshada ku dhaqan Degmada Howl-Wadaag in ay kala shaqeeyaan hormarinta Degmadasai iyo amaanka si buu yiri ay dagmada u noqoto mid hurmuud u ahaata Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn Munaasabada waxaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir Dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure , waxa uuna sheegay in uu soo dhamaaday isbadalkii degmooyinka Gobolka Banaadir , Gudoomiyaha ayaa aad u amaanay Maamulkii hore ee Howl-Wadaag isagoona maamulka Cusub ka rajeeyay in uu la yimaado waxqabad la taaban karo .
Munaasabada xalay ka dhacday Xarunta Degmada Howl-Wadaag ayaa aheed mid aad u qurux badan oo kusoo dhamaatay jawi aad u macaan , waxaana Munaasabadaasi Bulshadii kasoo qeyb gashay ay kor u qaadeen Hadiyado kala duwana gudoonsiiyeen Gudoomiyihii hore ee Degmada Howl-Wdaaga Jacfar.
http://filimka.com/news.php?readmore=223