Maleeshiyada Shabaab oo ka Diiday Go'aanadii Culumada Islaamku ka soo saareen Shirkii Dubai ku dhamaaday.
...
Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa ka soo horjeesatay Go’aanadii ka soo baxay shirkii dhawaan ay culumo caalamka Islaamka ka tirsan ku yeesheen Dubai ee looga hadlayay Xaaladaha Soomaaliya.
Horjooge Shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo Muqtaar Rooboow Cali ayaa maanta Sheegay in waxyaabaha ka soo baxay shirkaas aysan qaadanaynin, isla markaana ay wadayaan dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay shisheeyaha u keensadeen.
Muqtaar rooboow waxa uu tilmaamay in dadka isugu tegay Dubai aysan kooxdu u aqoonsanayn Culumo Islaami ah, sidaa daraadeed aysan Maleeshiyadu qaadan doonin hadalka ka soo yeeray Culumada.
Rooboow wuxuu sheegay in ay kooxdu sii wadi doonto waxa uu ugu yeeray Jhaadka Soomaaliya, iyadoo Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa Caalmka ugu waaweyn ay sheegeen in dagaalka ka soconaya Soomaaliya aan lagu tilmaami Karin Jihaad, ee uu yahay Fitno ay wadaan dad dano gaar ahaaneed leh.
Horjoogahaan oo maanta ka hadlay Masjidka Nasrudiin oo ay maleeshiyada Shabaab xoog ku qabsatay ayaa tilmaamay in ay jiraan Dhibaatooyin ay kooxda Shabaab ku hayaan dadka Shacabka ah, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay u samraan dhibaatadaas ay wadaan ajaanibta iyo Soomaalida ku bahoobay magaca Shabaab ee wakiilka dalka uga ah Al-Qaacida.
Hadalkaan ka soo yeeray Horjooge Muqtaar Rooboow ayaa imaanaya xilli Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato xooggan u geysanayaan Maleeshiyadka Shabaab oo qoysas badan oo Soomaaliyeed xoog uga kaxeystay gabdho aan qaarkood qaan gaarin, kadibna ay siiyeen si sharciga ka fog calooshood u shaqeystayaasha u soo haajiray Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dilka lagu hayo Shacabka ka saameyn badisay.
Sidoo kale hadalka Roobow wuxuu meesha ka saarayaa dowrka iyo Go’aanka Culumada Islaamka ee ku soo baxday dagaalka lagu baneystay Dhiigga Muslimiinta Soomaaliyeed ee magaca diineed dhiigga looga daadiyo muddada, ayagoo wax aan jirin ka dhigay fatwadii Culumada ee ahayd in Soomaaliya uusan ka jirin dagaal Jihaad u dhow.
Iam with the scholars regardless their manhaj. There is ijmah amongst the ahlusunnah,salafi and shia scholars that today there is no jihad in somalia and this government of sh.sharif xafidullah cannot be called 'apostate govt'.