Muqdisho: Xaalada Muqdisho oo maanta degan & Warar ku saabsan Howlgalladii Dayniile.
13. juli 2008
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa maanta degan ,mana jiraan wax dagaal ah oo Magaalada ka dhacay ,waxaana jirin Howlgalo ay wadaan ciidamada dawladda faderaalka ee Soomaaliya.
Degmada Dayniile oo ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ka socodeen Howlgalo baaxad leh oo ay wadeen Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayaa lasheegayaa in ay maanta degan tahay.
Dayniile shalay waxaa laga soo qabtey dad lugu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxaana lasheegay in dadkaasi Sharciga la horgeynayo inkastoo aan laheyn tirada dadka lasoo qabtey.
Xaalada nabadgalyo ee Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey deganeyd ,marka laga reebo dagaalo goos-goos ahaa oo ka dhacayey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Ciidamo fara badan oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo dhawaan tababaro ku soo qaatey dalka Itoobiya ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo ay ciidamadaasi qaadayaan sida ay warar sheegayaan howgalo xoog leh oo ay amaanka wax kaga qabanayaan.
Soo gaarida ciidamadan ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhawaan gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb shaaca ka qaaday in ay qaadayaan howlgalo amaanka wax looga qabanayo.
F. C. Geylan
AllPuntland




