Sheekh Xasan Turki iyo Abuu Mansuur oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa si kala gooni gooni ah u soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona imaanshahooda uu ka soo baxayo warar is khilaafsan.
Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Mucaskarka Raaskambooni isla markaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor soo gaaray Degmada Afgooye, isagoona kadib usoo gudbay Magaalada Muqdisho.
Wadaadkan oo ka mid ah xubnaha liiska ugu jira waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagixisada ayay warar qaar ahi sheegayaan inuu socdo qorshe lagu kulan siinayo isaga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif.
Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay u socdaan wada xaajoodyo taasoo ku aadan sidii Alshabaab loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan dadaalada nabada, ayna taageeraan Dowladda cusub.
Inkastoo aan la heyn xog dhab ah, hadana wararka aadka loo hadal haayo ayaa ah kulamada la filayo inay yeeshaan qaar ka mid ah Hogaamiyeye diimeedyada, iyadoona Xubno aan la carabaabin ay wadaan dadaalo la isugu keenayo dhinacyada Islaamiyiinta ee mabaa'diida isku diidan.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com




