Xildhibanada Besha Sade oo xalay shir ku yeshay magalada Jabuti ayaa waxay ka soo saren war saxaafaded iyo raisulwasare ku xigan is casilay
Xildhibanada Besha Sade oo xalay shir ku yeshay magalada Jabuti ayaa waxay ka soo sareen war saxaafadeed ay kalsoonida kala labanayan qabka cadalada ka fog ee loo soo dhisay xukumada cusub oo ay majaraha uu hayan dhalin aan wax qibrad ah u lahayn xaalada Somaliya.
War saxafadedka ayaa waxa lagu xusey in Beshu mowqifkedii hore ay ka tagan tahay wax loogu yeeray xukumada cadalada ka fog.
Xildhibanada Besha aya shegay in ay go'ankaas qaateen kadib markii ay u cadaatay in si ula kac ah loogu gafay sharftooda iyo tan Beshaba oo ay ayagu u matalaan barlamanka Soomaliya, waxayna sheegeen in Besha had iyo goorba danta Besha ay ka hormarin jireen danta Qaranka oo marar badan ay ugu samreen una qaaten cad aanan u qalmin, balse taasi wax isbadal ah wey keeni wayday mudadii 19-ka sano ahayd ee aynu soo dhaafnay ee burburka iyo colaaduhu wadanka ku habsaden. Sanadkii ugu danbeyay ee anu isniri soo celiya sharaftii iyo karaamadii umada Somalia abalkena waxaa laga dhigay in qaybteenii la duudsiiyo.
Ugu danbeyntii, waxay Xildhibanada warqad ka hadlaysa mowqifkoda ay u gudbiyen madexweynaha Soomalia Sh: Shariif Sh. Axmed tan iyo markii lagu dhawaqay dowlada cusub ee Jabuti lagu soo dhisay. Ilaa iyo hadda waxaa isa soo taraya beelaha ka biyo diidan qaabka wax loo qaybiyay, sidoo kalena waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah golihii wasirada ee xalay lagu dhawaqay ay is casilen, waxana ugu horeya Raisulwasare ku-xigenka, ahna wasirka tamarta iyo shidalka CABDIWAXID CILMI GONJEX oo isagu shegay in uu xilka loo dhibay uusan ku qanacsanayn, isla markana uu manta u gudbin doona istiqaladisa Raisulwasaraha Soomaaliya.
Cali Daahir Ciid
leuwarden, Netherland
caliciid55@hotmail.com




