Dowladda Uganda oo sheegtay in ciidamo dheeri ah ay u soo dirtay Soomaaliya.
Posted: 3/24/2009 8:26:00 PM
Shabelle: KAMPAALA
Dowladda wadanka Uganda ayaa maanta sheegtay in ciidamo ay u soo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo ka dhigaya ciidamada Muqdisho ka jooga wadankaasi 2-kun oo askari sida uu sheegay taliye sare oo ka tirsan ciidamada wadanka Uganda.
Aronda Nyakairima oo ah madaxa ciidamada wadanka Uganda ayaa warfidiyeenada maanta u sheegay in dowladda wadanka Uganda ay hal batelyan oo ciidamo dheeri ah ay u soo dirtay Soomaaliya Axadii si loo xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku sheegay sargaalku in ay gaarayaan 1700-askari oo horay ugu sugnaa Gudaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu tilmaamay Aronda Nyakairima in madaxweynaha,Barlamanka iyo wasiiraduba ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ay rajaynayaan in ay xoogaysan doonaan hanaanka dib u heshiisiinta ee dalka Soomaaliya.
Keenida ciidamadaani ka socda wadanka Uganda ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan labo isbuuc kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Uganda iyo Burundi.
Crispus Kiyonga oo isaguna ah wasiirka gaashaandhiga Uganda ayaa Barlamanka wadanka Uganda u sheegay in horaantii sanadkaan ay dowladda wadanka Burundi iyana sheegtay in ay ciidamo cusub oo dheeri ah ay u dirayso Soomaaliya.
Imaanshiyaha ciidamada Cusub ee Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xili dhawaan wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Soomaaliya Max’ed C/laahi Oomaar uu ka dalbaday Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa in ciidamo dheeri ah la keeno Soomaaliya,wallow uu markii dambe hadalkaasi ka meer meeray.
Xigasho:Xinhua
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.



