Page 1 of 2

TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:34 am
by Moguul21
Xildhibaannadii ku xirnaa Magaalada Jigjiga Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya oo maanta maxkamad la soo taagay

Arbaco 24, Feb 2010 (HOL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayay dacwad uga bilaabatay Magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya oo ay ku xirnaayeen tan iyo dhammaadkii bishii hore ee Janaayo.

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Xildhibaan Maxamed-Amiin Xasan C/llaahi ayuu ku sheegay in xarigga labadan mudane loo sababeeyay iyadoo aan laga warhayn inay galeen dalka Itoobiya.

"Magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya waxaa ka bilowday Maxkamad lasoo taagay Xildhibaan Xuseen Gaagaale iyo Xildhibaan C/llaahi Max'ed Aadan (Farey) oo uu wehliyo sarkaal ka tirsan Booliiska Gobolka Hiiraan oo la xirnaa, waxaana rajadu tahay in la sii daayo Maxkamadeyntooda kaddib" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Amiin.

Xildibaanadan ayaa la sheegay inay dalka Itoobiya u tageen dano iyaga u gaar ah ayna xireen ciidamada Federaalka dalkaas, waxaana laga warhelay inay xiran yihiin todobaadkan, iyadoo dowladda Itoobiya aysan weli ka hadlin xarigooda.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xukuumada Itoobiya in lasii daayo labadan mudane iyagoo sheegay in xildhibaadan ay wateen warqado aqoonsi ah oo muujinaya inay xildhibaano yihiin.

"Saacadaha soo socda ayaan ku rajoweynahay in lasii daayo labadan xildhibaan oo muddo bil ku dhow xirnaa" ayuu yiri Xildhibaanka shirka jaraa'id ku qabtay Muqdisho, kaasoo sheegay inay tagi doonaan Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu xirxirtay dalkeeda xildhibaanno ka tirsan Dowladda, kuwaasoo howlo shaqo u joogay Nairobi, Inkastoo la daayay, haddana waxaa qaarkood la saaray Maxkamad.

Zenawi has no respect for TFG or Somalia :down: :down: :down:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:36 am
by Cali_Gaab
:lol: :lol: :lol:

ILaahay ethiopia khayr ha siiyo.

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:37 am
by The_Emperior5
:lol: :lol: :lol:

ILaahay ethiopia khayr ha siiyo.

:lol: :lol: Xildhibanada TFG maxay ka dooneen horta Jigjiga :mrgreen:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:38 am
by Cali_Gaab
Tourism :lol:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:39 am
by The_Emperior5
Tourism :lol:
Hala yaabin Madaxweynahooda ba Sheikh dalxiis la yidha :lol:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:41 am
by Moguul21
TFG are Zenawi condoms, after use throw it in the garbage :lol: :lol:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 9:44 am
by Cali_Gaab
Whatever man, soo kuwii Galkacyo soo galay oo dad afduubay oo meeshoodi ku noqdeen?
Sida brothel ka la galo oo la iska baxo hadana ayeey meeshina soo galeen oo hadana ka baxeen :lol:

Idinkuna sida jiirka ayaad uu amuusteen :lol:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:18 pm
by SahanGalbeed
Cali gaab iyo emperior aad baan uga xumahay inaan idin ku qarxiyo maanta ,maadama aad labo nin oo tol ah tihin ,laakin xaqqu qabyaalad ma yaqaan ! TFG-gu ma'caddowga Somaliland ba ? Mise TFG-ga waxa la dagaalamaya ayaa inaga na inoo caddow ah ? Niman masuuliyad qaran dadkoodi saarteen oo Somali ah sideed ugu farxi kartan haddi Ethiopia ama Kenya lagu xidho?Haddey argagaxiso noqdaan la gartay ,haddey budhcad noqdan la fahmay !Wax waliba miyaanu iska ga hadalna ?

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:24 pm
by SahanGalbeed
Run baa lagu hadla weligaa ! Dowladda Ethiopia Somaliland way so gasha iyaduba .Oromada ka soo baxsada Ethiopia bay ku dhex laayan Somaliland intey af duuban , Somali-da ka soo baxsata Ethiopia na ,dowladda SOOMALIYEED e ka talisa SOMALILAND bay ku yidhahdan inoo soo tabiya ! Bal anigu ba aan idin la qosle , waxan lagu qoslaya wa maxay? :lol:

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:26 pm
by The_Emperior5
TFG garan wayey meeshanu ku heshiinay sahan galbeedow, ada ta ino sheegii doona mida labaad anigu ma arkin meel ay Ethiopian ay so dhaafeen xuduudka somaliland oo ay dadk kaxaysteen bal source keen meel ay ku qorantahay oo cadeneysa eedamaha aad u so jeediisay xukummaada somaliland.

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:30 pm
by SahanGalbeed
Dowladan sheikh shariif haddi al shabaab ,hizbul islam,dhabayacada Boosaaso jogta iyo idoorka Hargeysa fadhiya ba col ku wada noqdan ,halku miskiin ku ku badbaadaya ? Ilayn miskiinka maanta Xamar jooga shawaadin al shabab la baxday baa timi iyo qoorta ba goynaya e ! Ya? War nimanyow kaftankiina xad u yeela !

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:34 pm
by SahanGalbeed
Markaad aniga I leedahay source inoo keen ,ma'been baan dadka halkan ku akhriya mise dhusoomareeb baan ka imid?Borome ayay ka la dhex baxaan dad computer iyo faro ba way ku saaran yihin e orodoo so badh !

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:35 pm
by Dhaga Bacayl
Dowladan sheikh shariif haddi al shabaab ,hizbul islam,dhabayacada Boosaaso jogta iyo idoorka Hargeysa fadhiya ba col ku wada noqdan ,halku miskiin ku ku badbaadaya ? Ilayn miskiinka maanta Xamar jooga shawaadin al shabab la baxday baa timi iyo qoorta ba goynaya e ! Ya? War nimanyow kaftankiina xad u yeela !

That shit was funny walaahi :lol: Bal waayahee xagu uu baxsadaa....?

I agree, there is no reason Somalilander should hate his government.

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:40 pm
by SahanGalbeed
Qof haddaad u hanjabayso trying to make a point la gartay .Mid gardarada kaaga horreyay ood iska ridayso na ,waa daw. Laakin being arrogant and mean for the sake of it ,no!no! Xaraan weeye waxaasi !

Re: TFG MP's in Ethiopian Court.

Posted: Wed Feb 24, 2010 1:41 pm
by Addoow
Since when somalis being held in eithiopian prison became a laughing matter? what a disgrace! some time waxaad ba is leedahay dakaan nolosha miyey ka dhaceeen.