Saacid Faarax Garaad the New PM
Posted: Thu Oct 07, 2010 2:22 am
Mogadishu Times, Oct 06
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala gedisan oo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in uu Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ku dhawaaqi doono Ra’iisal Wasaarihiisa.
Saacado yar ka dib ayaa lagu dhawaaqayaa Saacid Faarax Garaad (Shirdoon) in uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Saacid wuxuu bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna haystaa shahaadada Mastered-ka. Saacid wuxuu ka soo jeedaa deegaamada gobolka Gedo.
Intii uusan wadanka burburin wuxuu Saacid ahaa ganacsade caan ah oo laga yiqiinay wadanka gaar ahaan Muqdisho. Wuxuu lahaa shirkadii ganacsiga ee Shirdoon Limited. Burburka ka dib wuxuu la shaqeynayay hay’adaha gargaarka.
Saacid Faarax Garaad wuxuu qabaa oo caruur u dhashay Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi. Caasho waxay ka shaqeysaa oo ay u doodaa haweenka iyo caruurta Soomaalida. Hawlaheeda la xiriira haweenka iyo caruurta ayay ku qaadatay abaalmarino badan oo caalami ah. Abaal-marintii ugu dambeysay waxay ka qaadatay Clinton Global Initiative. Waxaa hay’adan aas aasay madaxna u ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton.
Saacid waa siyaasi si weyn looga qadariyo Soomaaliya.