IGAD generals visit Dolow
Posted: Thu Oct 07, 2010 7:37 am
Dooloow-(GMN)Magaalada Dooloow ee gobolka Gedo, oo fariisin u ah ciidamo taabacsan dowlada KMG ah iyo culumada Ahlusuna Waljameeca, ayaa waxaa, dhawaan gaaray saraakiil ka socda urur goboleedka IGAD, si ay kulamo ula qaataan madaxda halkaasi ku sugan.
Saraakiisha IGAD iyo Madaxda dowlada ee ku sugan Dooloow waxay ka arinsanayaan sidii looga dhabayn lahaa damaca siyaasadeed ee ku wajahan sidii xal looga gaari lahaa mushkulada gaamurtay ee ka jirta Konfurta Soomaaliya.
Madaxda labada dhan waxay kulamadooda dhoowrka cisho socon doona iskula soo qadi doonaan, sidii loo tayayn lahaa ciidmada xoogan ee ku sugan Dooloow, iyo sidii la isku waafajin lahaa labada ciidan ee lagu kala tababaray, Dalalka Kenya iyo Itoobiya.
IGAD iyo madaxda dowlada ee ku sugan Dooloow ayaa kulamo ay horay ugu yeesheen dalka Itoobiya waxay iskula garteen in IGAD ay dhinaca ciidamada ay horboodayaan madaxda dowlada ay ka xoojiso dhinaca jasiilaatka ay u bahanyihiin, taas oo mudooyinkii u danbeeeyay ay labada dhan si wada jir ah iskaga kaashanayeen.
Ayraboorka magaalada Dooloow, ayaa si xoogan loo dayactiray, waxana IGAD ay ka furatay Dooloow xaafiisyo ay ugu talo gashay, in kula socoto howlaha looga bahanyahay, waxay sidoo kale dib u habayn ku sameyeen, isbitaalo ku yalay magaalada.
Ciidamada ku sugan Dooloow ayaa wada qorshayaal ku jihaysan gobolada , Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool, mana cada inta ay gaarsiisantahay awoodooda ay ugu diyaargaroobeen, xili ay goboladaas maamulayaan ururka Al-shabab oo iminka ay qilaafaad hareyeen.
Wixii ka soo kordha kala soco Gedoonline.
http://gedoonline.com/?p=8875