Page 1 of 1

Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Mon Jan 21, 2013 6:59 pm
by AbkoowDhiblaawe
Muqdisho (RBC) Kulankii golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya uuna gudoominayey raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta looga dooday qorshaha amaanka iyo maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.
Ka dib kulanka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada oo saxaafadda loo qeybiyey ayaa lagu cadeeyay in goluhu isku raaceen in wasaaradda arrimaha gudaha loo madax bannaaneeyo dhammaanba hawlaha maamul u sameynta gobollada dalka iyo degmooyinka.
Sidoo kale waxaa wasaaradda arrimaha gudaha isla kulankii maanta loogu xilsaaray inay qaadato masuuliyada baaritaan lagu sameynayo dhammaan dhulkii iyo guryihii dawlada ee lakala kireystay, la bixiyey ama la iibsadey wixii ka dambeeyay 1990-kii taasoo goluhu ku tilmaameen inaanay aqoonsaneyn.
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Abyan Nuur oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka ayaa ka warbixiyey.
Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG. Waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.
Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab. Waxaana howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.
Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.—-DHAMAAD—

Re: Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Mon Jan 21, 2013 7:00 pm
by AbkoowDhiblaawe
Image Image

Re: Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Tue Jan 22, 2013 7:46 am
by BigBreak
of course this has nothing to do with somaliland since we are a separate country and the brave somalilanders with their rich experience of warfare are ready to chop off the hands of enemies looking to drag us down into failure i.e. pre 1991 union
i am ready for some faqash blood xaaaaax very thirsty lol

Re: Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Tue Jan 22, 2013 7:59 am
by AbkoowDhiblaawe
of course this has nothing to do with somaliland since we are a separate country and the brave somalilanders with their rich experience of warfare are ready to chop off the hands of enemies looking to drag us down into failure i.e. pre 1991 union
i am ready for some faqash blood xaaaaax very thirsty lol
:wtf:

:lol: :lol:

Re: Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Tue Jan 22, 2013 9:07 am
by BigBreak
anyways with or without somaliland i say fuck federalism the hawiye needs to rise up against the darood weakening their beloved xamar
arrrggghh yaaa iikeeenaaa mujaahid m. f. caydiid

Re: Interior Ministery given the legitimacy to establish FS

Posted: Mon Feb 11, 2013 11:49 am
by SahanGalbeed
Ninkan waan ka shikisanahay wallahi ^ Ma' Isaaqa ku reer abti ah ?