puntland militia sell weapons to people and run
Posted: Thu Mar 22, 2007 2:06 am
Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii laga keenay Puntland ee tababarku ugu soo dhamaaday Balidoogle ay durbadiiba bilaabeen inay dhigaan hubkooda oo ay diidaan inay dagaalka wax ka galaan. Waxa lasoo sheegaya maleeshiyaad badan oo hubkooda ka iibinaya shacabka Muqdisho kadibna dhex galaya dadweynaha.
Maleeshiyaadka bilaabay inay hubkooda iibiyaan ayaa kala daganaa saldhiga Galbeed ee agagaarka Xoosh iyo isbitaalka Digfeer oo xalay oo dhan lagu hareeraysnaa. Ciidamadaan ayaa si wayn ugu niyad jabay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho oo jab xoog leh uu kasoo gaaray maleeshiyaadka ka yimid Puntland. Warbaahinta aduunka ayaa maanta si wayn u hadal haysa dagaalkii shalay iyo ciidamadii dhulka lagu jiiday, waxana lala barbar dhigay dagaalkii Oktoobar 3 1993 lagu jiiday ciidamda Maraykanka dariiqyada Muqdisho.