Ina Gumeedkii habar xabuushed ba lagaa soo caydhsaday Dhulkii Dhulmahantee ama Tuulada Galgal Degaan dhulmahante.
Ceeb baa kaa dhacday ceelashii iyo baraagahay ka qoteenaa walaa dumiyeey oo waa lagaa awdey wanaa laa soo caydhsaday caraarkii burcay galbeed uu waydaarteen
Walee nin xabaashii kaa jinsii qabaan waxa iskaa celiin dhigiisuun baa latusaa markaasuu xaar ku waashaa; markaa nabaduu joogtonaa lagamaa fadhiyo birikh birikhdiisa.
BM) Galgal: Iyadoo mudo ku dhow 40 casho ay xaalad kacsan ka taagneyd deegaamada deriska ah ee Galgal iyo Qorulugud oo labada beel ee laba dhinac uu soo kala dhex galay muran kadib markii beesha Bariga burco ee dhulbalaadhsiga ku timid Qorulugud ay galgalna ka qodeen ceelal. Arintan ayaa sababtay xaalad aan caadi ahayn oo ay labada dhinacba isa soo hor dhoobeen malayshiyaad hubaysan.
Waan waan badan kadib markii la isku dayey oo ay waxba ka suuroobi waayeen dhinac Bariga Burco oo ku adkaystatay inaysan joojineyn dhul balaadhsiga iyo qaska, ayaa malayshiyo aad u hubaysani oo ka timid dhinaca Buuhoodle ay maalintii shalay aaseen ceelal ilaa 35 ah oo si sharci daro ah looga qoday Baliga Galgal gudihiisa.
Asitaankii ceelashaa ayaa dhalisay iska hor imaad labada dhinac kadib markii ay malayshada doolka ahi ay tacshiirado ku fureen ciidankii aasayey ceelashaa.
Isku dhac qaatay saacad ayey labada dhinac isku weydaarsadeen rasaas kadibna malayshiyadii doolka ahayd ayaa dib ugu noqotay dhinaca Qorulugud. Is rasaasayntaasina maysan dhalin wax khasaare ah.