argaysa (Oodweynenews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod kala qayb-sanaan ah ku meel-mariyey muddo-kordhin cudub oo loo sameeyey Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo muddada xilku kaga eekayd 6-da bisha April ee fooda inagu soo haysa, isla markaana waxa ay ansixiyeen in 29-ka October la qabto doorashada Madaxtooyada.
Fadhigaas oo uu shir-guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu fadhiga Goluhu furmay waxa uu mudanayaasha ku war-geliyey in ay hortaalo hawl culus oo meel-marin u baahan.
Guddoomiyuhu waxa uu muddanayaasha u soo jeediyay in ay ka doodaan wareegtada muddo kordhinta ah ee Madaxweynuhu u soo gudbiyey, si loo ansixiyo oo cod gacan-taag loogu meel-mariyo.
Dood-culus ka ddib, waxaa la gudalay in cod loo qaado wareegtada muddo kordhinta ah ee Madaxweynuhu Golaha soo gaadhsiiyey. Waxaa madasha ka soo xaadiray 78 Mudaane oo ka mid ah 82 mudane ee Goluhu ka kooban yahay, 42 mudane waxa ay u codeeyeen in muddo lix 6 bilood iyo 29 cisho loo kordhiyo muddada xukuumada Madaxweyne Rayaale in xilka sii hayso [waa ilaa 29 Octpber], waxaa diiday 35 mudane, 1 mudanena wuu ka aamusay, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaa ayaanay ku ansaxday in Xukuumada Madaxweyne Rayeela talada sii hayso ilaa 29-ka September 2009-ka.
Tallaabadaas ay Mudanayaasha Golaha Guurtiua maanta ku dhaqaaqeen, ayaa jewi cakiran ka abuuray magaalada Hargaysa, iyada oo buuq iyo sawaxan ka dhalisay suuqyada, jidadka iyo Xaafadaha Hargaysa. Waxaana jidadka la soo dhoobay Askar aad u tiro badan oo ilaalinayay xasiloonida, isla markaana il gaar ah ku eegayay dhaqaaqyada ay samaynayaan dadweynuhu.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/Hargaysa




