Baaq Hambalyo Ah Oo Ka Yimi Salaadiinta Habarjeclo Kuna.....
Posted: Wed Apr 01, 2009 1:18 pm
Baaq Hambalyo Ah Oo Ka Yimi Salaadiinta Habarjeclo Kuna Socda Xubnaha Guurtida Ee Beesha Harti
Salaadiinta Beesha Habarjeclo ayaa u soo jeediyey hambalyo xubnaha beelaha Harti ugu Jira Gollaha Guurtida Somaliland, waxayna aad uguga mahadnaqeen sida ay u illaaliyaan, isku xidhnaanta iyo isku duubnida Somaliland dadkeeda. Xubnaha Salaadinta ah ee baaqa soo jeediyey ayaa si ka fiirsasho leh u soo bandhigay niyad wanaag ay ay hayaan xubnaha beelaha harti ee ku jira Gollayaasha Qaranka. Suldaan ka mid ah salaadiinta beelaha habarjeclo ayaa yidhi.
“ Beelahaas Harti kolay degaan iyo dad iyo dhulba waa naga dhaxeeya. Waxaanu wada degnaa Sool, waxaanu wada degnaa Togdheer iyo Sanaag. Waxaanu mar walba ugaga mahadnaqaynaa’ laga soo bilaabo shirkii beelaha Danwadaag, Shirarkii nabadynta iyo illaa maanta oo Somaliland hanaqaaday, in ay si xilkasnimo leh u illaalinayeen xidhiidhka beelaha danwaagta ah”.
Inkastoo aanu sheegin hamblayadaasi waxa ay ka turjumayso, haddana waxa ay dadku u fasishay in ay ku jihaysan tahay doorashadii muddo kordhinta xukuumada Somaliland oo Beelaha harti la foodeen beesha habarjeclo oo xubnahoodii isu raaceen diidmada xukuumada. Waxa sidoo kale ku raacay diidmadaas xubno kale oo ka soo jeeda gobolada Somaliland, laakiin waxaa si laxaad leh u diiday muddo kordhinta xubnaha beelaha Harti ugu jra Guurtida.
Guddoomiyaha Guddida Habarjeclo ayaan weli ka hadlin arrinta muddo kordhinta, waxaase la sheegayaa in uu telefoon kula xidhiidhay xubno badan oo beelaha harti ka soo jeeda, una mahadnaqay dedaalkooda, badbaadinta iyo kaqaybqaadashada arrimaha qaran.