Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ceerigaabo Oo Isu-soo-bax Ay Ka Qayb-galeen Kumanaan Qof....

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Ceerigaabo Oo Isu-soo-bax Ay Ka Qayb-galeen Kumanaan Qof....

Postby Adan_1 » Thu Apr 09, 2009 6:22 am

Image[/img]



Banaan-Bax Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Mawqifka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Dhacay Magaaalada Ceerigaabo


Ceerigaabo, April 9, 2009 (Haatuf) – Isku soo bax balaadhan oo lagu taageerayo mawqifka xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa shalay lagu qabtay xarunta uu xisbigaasi ku leeyahay magaalada Ceerigaabo, taas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta, Madaxda iyo taageerayaasha xisbiga ee Ceerigaabo ayaa waxa si adag loogu taageeray Mawqifka ay iska taageen Madaxda sarsare ee Xisbiga Kulmiye muddo kordhinta guurtida ee Maamulka Rayaale iyo siyaasada xukuumadda.

Waxaana halkaasi si weyn loogu cambaareeyey raasaasta loo adeegsaday shicibka iyo madaxda sar sare ee xisbiga kulmiye ee doonayay inay si salmiya ku muujiyaan dareenkooda, Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ducaale “Isku soo baxan ayaa lagaga dhawaaqay in aanay masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Sanaag u aqoon sanayn Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inay yihiin Madaxwaayne iyo ku xigeen, balse ay yihin guddoomiyaha iyo ku xigeenka Xisbiga UDUB "Madaxweyne iyo ku-xigeen toona nooma tihidiin haddii aanu nahay madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Sanaag" sidaa waxaa yidhi guddoomoyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Sanaag Mr: Axmed Siciid Cabdi (Xaaji Afduub)

wuxuuna ku nuuxnuuxsaday guddoomiyaha Sanaag ee xisbigu in ay taageero hiil iyo hoo-ba ah la garab taagan yihiin mawqifka xisbiga ee dhinaca siyaasada.

sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Guray Adaan Dhabarlaw oo isna ku dhawaaqay inay sidoo kale taageero buuxda la garab taagan yihiin mawqifka dhinaca siyaasada ee ay istaageen madaxda xisbiga Kulmiye wuxuuna sidoo kale ka digay dhaq dhaqaaq lagu doonayo in la abuuro rabshado iyo burbur ku yimaada dalka oo la doonayo in Kulmiye lagu sawiro.

Maxamed Faarax Jibriil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay arin aan loo dul qaadan karin in haday sidaasi ku sii socoto rasaasta xadhiga iyo caga juglaaynta lagu hayo shicibka, siyaasiyiinta, Suxufiyiinta iyo qaybaha bulshada ee kale.

Sidoo kale Cuqaaal, guurti iyo dadweyne fara badan oo isugu jira taageerayaasha iyo madaxda xisbiga ee gobolka Sanaag ayaa dhamaantood canbaareeyay falkii foosha xumaa ee booliisku kula kacay madaxda xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda lixdii April.

dhinaca kale shirkan oo ahaa mid ay aad u kacsan tahay shucuurta dadka ka soo qayb galay ayaa isu bedalay markii danbe Banaanbax lagu muujinayo taageerada xisbiga waxaana markii uu dhamaaday shirku Laysugu soo Baxay oo la isugu soo biyo shubtay barxad weyn ee ku Hortaala xafiiska xisbiga waxaanay taageerayaasha xisbiga Kulmiye sii Galbiyeen Hal Cabaara Madaxda Xisbiga Kulmiye, Iyagoo ku dhawaaqaya Erayo ay ka mid ahaayeen (KULMIYE HA NOOLAADO, Kulmiye ha noolaado, Kulmiye ha noolaado).

Banaan-baxyadan oo kale ayaa shalay iyo doraad ka kala dhacay degmooyinka Caynaba, Ceel-afweyn, Gar’adag, Xiis iyo Dhahar, kuwaas oo dhamaantoodba lagu taageerayo mawqifka xisbiga Kulmiye ka qaatay muddo kordhintii ay dhawaan golaha guurtidu xilka ugu kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests