Hal Doorka Ciidagale Oo U Jawaabay Suldan Maxamed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Hal Doorka Ciidagale Oo U Jawaabay Suldan Maxamed

Post by Adan_1 »

Hal Doorka Ciidagale Oo U Jawaabay Suldan Maxamed
Thursday, 16 April 2009
Hargeysa(Geeska)- Hal-doorka Beelaha Ciidagale, oo isugu jira, Dhakhaatiir, odayaal, siyaasiyiin iyo aqoonyahan kala duwan ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, kaas oo uu ku soo hadal qaaday dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay dabayaaqadii sannadkii 1994-kii.

Shakhsiyaadkan oo ka sokow beelaha ciidagale, ah dad muxtarim ah oo magac ku leh bulshada Somaliland, waxa shirjaraa'id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa ay ku caddeeyeen in laga heshiiyay dagaaladaas sokeeye, islamakaraana ay Beelaha ciidagale nabad la qaateen beelaha kale ee Somaliland.

Maxamed Muuse Abees, oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Ciidagale, kana tirsan xisbiga KULMIYE oo shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa yidhi “Shirkan jaraa’id waxa qabtay anaga oo Madaxdii kulmiye qayb ka mid ah, waxaanuna u qabanay walaahowga iyo jaho wareerka umadda ku dhaqan Magaalada Hargeysa la jaho wareerinayo, walaahowgan oo umadda loogu sheegayo in dhib soo socoto oo la qodqodayo wax wakhti aynu soo dhaafnay ka dhacay dhulka, waxaanu u aragnaa ayaan daro inta maalinba koox loo yeedho la yidhaa shalay waxbaa dhacay, maantana la yidhaa waxbaa dhacaya iyo wax aanaan afkayaga soo marin karaynin.”

Mr Abees oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxaan u sheegaynaa dadka ku dhaqan Gobolka Hargeysa ama Somaliland-ba in cida waxan ku jaho wareerinaysaa aanay ahayn wax ay iyagu umadda u hayaan ama ku matalaan iyo wax ay umad kaga Masuul yihiin, markaa waxaanu u sheegaynaa ummadu nabadgalyo iyo walaalnimo ayay ku joogtaa kuna joogi doontaa, wixii iman doona Ilaahay ayaa og, laakiin anagu waxaanu umadda u sheegaynaa in dadka waxaa ku kacayaa ay yihiin ashkhaas gaar ah, oo waxaa ay ku hadlayaan uu kaligood ku xidhan yahay.”

Maxamed Muuse Abees, waxa uu intaa siiraaciyay “Waxaanu leenahay haddii ay umaddu kala garan waydo cida doonaysa inay meel biyo furto iyo inay ku celiso waxa habeen walba ka baxaya telefiishanka Qaranka, waa in ay umaddu kala eegtaa oo ay tookheeda keentaa dhaguhuna way u furan yihiin indhahooduna way arkayaan.”

Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen xoog), oo ka mid ah dhakhaatiirta caanka ah ee ka hawlgala Somaliland oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad damqa nabaro hore u bogsaday waxaanu yidhi “Waxa damaq lagu sameeyaa nabaradii ay dadkani ka bogsadeen ee dagaaladii sokeeye ka soo gaadhay, oo la yidhaa anagu waanu aarsan doonaa iyo cidbaa na dishay oo waala iskugu kaayo tagay ee cidii gaar noogu baxda ayaanu ka aarsan doonaa.”

Dr Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Horta Somaliland dagaalo badan oo sokeeye ayaa ka dhacay wayna ka heshiiyaan oo wax soo qaadaa ma jiro, dadkuna waxay ka soo qaadaan wax maalin maalmaha ka mid ah ka xumaaday oo ay ilaa maanta ka xun yihiin, balse aanay taariikhda ka tirtiri karin, markaa waxa weeyaan kuwaa kaleba lama soo qaadee maxaa ka Hargeysa loo soo qaadaa oo loo dhaqdhaaqjiyaa, malaha beeshan (Ciidagalle) hadlaysa dadkeeda ayaa loo haystaa dad aan waxba garanayn oo dammana oo la jiidhsiin karo xasaska, waxaan leeyahay beeshu way ka garasho roontahay in lagu guuro oo mar kale xas la jiidhsiiyo oo cid uoraad lihi ku guurto.”

Digtoorku, waxa uu sheegay in Beeshu nabad qaadatay, isla markaana aan nabada lagu khasbin ee ay iyadu door biday “Markii Hargeysa dagaalku ka dhacay Beeshu nabad ayay qaadatay, dagaalka gartisii cid lama siin, cid qaladkiisii ku cadaadayna ma jirto, waxa loo arkay wax umadda Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ka xumaaday, dabadeedna waala isa saamaxay oo waxa la yidhi wixii daantaa ahna dabayli ha qaado, wixii daantaa ahna daad ha qaado, sidaas ayaa gacmaha la isu qabsaday lama xisaabtamin oo Maxkamad la islama tagin, beesha kaligeed lama dilayn ee iyaduna waxbay dilaysay, nabadana iyada ayaa qaadatay ee cid kumay soo khasbin, iyadaana danteeda u aragtay, ceebna kuma laha canaana kuma laha ee sharaf ayay ku leedahay.

Markaa ninka ka dhigaya samir taag waayay iyo nabad taag waa' Beesha ayuu meel kaga dhacayaa ayaan leeyahay ee arinta noocaas ah ha ka waantoobo, umadda Somaliland-na waxaan leeyahay xaal ka qaata.”

[b]Dr Ismaaciil Cali Jaamac, oo ka mid dhakhaatiirta reer Hargeysa, oo isna halkaasi kalmado kooban ka sheegay ayaa yidhi “Dadwaynaha waxaanu sheegayaa ninka leh Hargeysa laguma hadli karo, waa nin wax matare yahay oo duli ah oo aan horena waxba u tarin, imikana aan wax tari doonin, mida kale ninka leh waalana dilay waa nin diciif ah oo fule ah, ninka leh maanta ayaanu aargoosanaynaa markii la isdilayayna waxba muu tarayn imikana aargoosan maayo ee dadka ayuunbuu edaabka ka xumaynayaa, markaa waxaan leeyahay cid la dilayna ma jirto, haddii dagaal dhacay waala is-dilay waana la heshiiyay.”

Dr-ka oo hadalkiisa ayaa yidhi “Ninka leh waala na dilayoow carruurtayadii ayaad fulayaal ka dhigtay, cid la dilay ma jirto ee dagaalaa dhacay waana la heshiiyay, raggii aanu is dilay saaxiib ayaanu nahay, ninka leh maanta ka aar goosta, maxaanka aargoostaa waanu heshiinay, igamanuu guulaysane, markaa arintaa waxaanu aragnaa ducfi”. [/b]
Waxa kale oo uu intaa ku daray “Ninka leh nin kursi ku fadhiya ee doorasho ku fadhiistay ayaan ilaalinayaa anaguna waxaanu Ilaalinaynaa ka la dulmiyo ee doorashada loo diido, ee xuquuqdiisa loo diido ayaanu ilaalinaynaa haddii aad adigu nin meel fadhiya ilaalinayso”.

Waxa kale oo isna Madashaasi kalmado kooban ka yidhi Cabdilaahi Ismaaciil Bidhaan, oo ka tirsan Waxgaradka halkaasi ka hadlay, marna ahaan jiray Wasiirul dawlaha waxbarashada, hadalkiisiina waxa ka mid ahaa “Anaga muddo badan ayaa odayaashayada, Salaadiintayada ay wanaagsanaan jireen, oo la odhan jiray Ciidagale Salaadiintoodu way wanaagsan yihiin oo Somaliland dadkeedu u tagi jireen oo ay wax waydiin jireen, laakiin ILaahay noogu wadi maayee meel kale ayuu noogu badali oo dadkayaga dhexe iyo dhalinyarada ayaa wanaagsanaan doonta, salaadiintayadii iyo odayaashayadiina todobaadkan way silan yihiin."
Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: Hal Doorka Ciidagale Oo U Jawaabay Suldan Maxamed

Post by Burao_Media »

Ooooh :roll: boring
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”