SL: Riyale & Silanyo oo kulmay
25 Apr 25, 2009 - 12:15:33 PM
Guddiga xal u helida Khilaafaadka siyaasiga ah ee Ilaalinta iyo Anshaxa Doorashooyinka Somaliland ayaa galabta war murtiyeed kooban ka soo saaray kulankii u horeeyay ee ay maanta isku soo hor fadhiisiyeen Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, Md Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Guddigu waxay war saxaafadeedkaasi ay ku sheegeen in Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye ee axsaabta mucaaridka ahi ay kulankaasi oo ku qabsoomay Madaxtooyada Somaliland ay isku raaceen in xal loo heli is mari waaga ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada.
Qoraalka Guddida oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay waxa uu u qornaa sidan:
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.
Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo ku mandaqadda, waxay kulankaa isku waydaarsadeed fikradahooda iyo aaraahdooda.
Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan."
RADIO GAROWE



