Waxuu warkan intaa ku daray inay Huda Barkhad iyo caruurteeduba ku soo dhoofeen baasaboor ay bixisay dawladda Jabuuti oo ah nooca la siiyo diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda. Waxay kaloo dawladda Jabuuti gacan ka wayn ka gaysatay sidii ay sidii xaaska Rayaale iyo caruurtiisa ay u heli lahaayeen fiisaha dal ku galka iyo ka dal ku degenaashaha Faransiiska.
Waxaa Waxaa safarka Huda Barkhad iyo caruurteeda ka soo shaqeeyay wakiil ku xigeenka Soomaliland ee Faransiiska u fadhiya oo magaciisa la yidhaa Xasan Cali, dadkunu u yaqaanaan Daahir. Ninkani oo dhalasha ahaan ah nin reer Jabuuti ah oo Faransiiska deggenaa muudo dheer waxay qaarabo hoose yihiin Huda Barkhad. Wuxuu ninkani mudda dhawr wiig ah hadda ku maqnaa Hargeisa iyo Jabuuti, isaga ayaana shalay waday Huda Barkhad iyo caruurteeda, isaga ayaana guriga u sii dityaariyay. Waxaa kaloo Xasan Cali u sii diyaariyaya iskuuladii ay caruura Daahir Rayaale gali lahayeen, iyo xisaab bangi oo uu hore ugu sameeyay Huda Barkhad oo la rumaysan yahay inay hanti badan oo qaranku leeyahay lagu shubay.
Arrinta ku saabsan soo degidda caruurta iyo xaaska Daahir Rayaale ee Faransiisku waxaa la sheegay inaanu la soconin Wakiilka Somaliland ee Qaabilsan Faransiiska, Mudane Fagaadhe oo hadda jooga Somaliland lana filayo todobaadyada soo socda inuu ku soo noqdo dalka faransiiska. Wuxuu Daahir Rayaale arrinta dejinta reerkiisa u xilsaaray Xasan Cali oo horena uga tirsanaan jiray ciidamada sirta ee Jabuuti.
Arrintani waxay ku soo beegantahay xilli su’aallo badan oo shakiba iyo walwalba lihi ay ku hareeraysan yihiin Daahir Rayaale iyo siyasadda uu ku hagaya Somaliland. Waxaana talaabadani ay muujinaysaa qorshihiisa ku wajahan mijixaabinta dawladnimada iyo nabadgalyada Somaliland. Waxaa muuqata in isagoo adeegsanaya xidhiidhka shakhsi ahaaneed ee uu la leeyahay Jabuuti uu go’aansaday inuu reerkiisana dejiyao Faransiisnka si caruurtiisa halka ugu nabadgasho, xaaskiisuna ay u yeelato sharci degenaasho, isaguna uu u tago marka uu dab ku qabto nabadgalyada iyo qarinamda Somaliland isagoo hantidii umadda iyo reerkiisiba dibadda ku haysta.
Maalintii Sabtida ee aynu soo dhaafnay ee Rayaale shirka jaraaiid ku qabtay Hargeisa ee uu BBC dana waraysiga siiyaya ayay ahayd maalintii caruurtiisa iyo xaaskiisuna ay u soo safrayeen Faransiiska. Hanjabaadii hadalkiisuna waxay tilmaan cad ka bixinaysaa sida aanu u kale jeclayn in xal loo helo khilaafka siyaaadeed ee hadda ka taagan Somaliland, mar haddii uu kale baxay hantidii qaranka iyo reerkiisiiba dalka..
Caruurta Daahir Rayaale qaar ka mid ah ayaa horeba u sii joogay dibadda. Wuxuuna Daahir ka eebsaday guryo dalka Masar iyo dalka Imaaraadka.





