A New Mass Grave Discovered At Hargeysa
Posted: Fri May 15, 2009 9:18 am
Hargeysa: Xabaalo Wadareedyadii Saddexaad oo Roobabku soo saareen
Hargeysa (SLI)- Xabaalo wadareedyo hor leh ayaa laga helay saaka Iskuulka Malko Durdure ee xaafada Boqol-jire Degmada Axmed Dhagax.
Xabaalo wadareedyadan ayaa ah kuwii Saddexaad ee laga helo Iskuulka Malko Durduro agtiisa, saaka ayay dadka xaafadaas degani arkeen lafo iyo Madaxyo Dad ka dib markii uu shalay roob laxaad lihi ka da’ay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, ka dibna uu soo saaray daadkii xooganaa lafahan saaka lagu arkay Malko durduro.
Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo aan wax badan ka fogayn halka lafahaasi laga helay ayaa ciidankii taliska joogay Askari ka mid ahi yimaadeen, kuwaasi oo soo guray Sagaal qof lafahoodii iyo madaxyadoodii oo uu daadku soo saaray.
Sidoo kale waxa sidaasi noo sheegay qaar ka mid ah dadweynaha xaafadaas degan oo ku sugnaa goobta.
Suxufiyiintii halkaasi ka tagay ayaa wax ka waydiiyay dadkii xaafada deganaa iyo dadweynihii goobta yimi xasuuqa lafahan oo isku xidhxidhnaa. Waxaana halkaasi ka muuqday xadhig ay isugu wada xidhnaayeen oo ah nooc ka samaysan Taarka. Xadhigan dheeraa ee dadkaas isugu xidhan ayaa waxa ka muuqda Sagaal guntimood ee sagaalka qof ee daadku soo saaray ku kala xidhnaayeen.
Waxa la yaab leh dadka xabaalo-wadareedyadan laga helay oo ah kuwii taliskii axmaqa ahaa ee Siyaad Barre xasuuqay 1988 oo iminka laga joogay muddo 20 sanadood ah. dharkii ay xidhnaayeen maalintaasi waa la la’yahay qaarkood, halka aanay qaarna iska bedelin oo Dhigii ka muuqdo.
Xadhigan dadku ku xidhnaayeen ayaan ku ekayn intaas Sagaalka Guntimood ka kooban ee daadku soo saaray, balse waxay intiisa kale ku qarsoon tahay ciid moosan oo tuulan oo ay ku xabaalan yihiin dad ka badan Sagaalkan qof ee daadku madaxyadooda soo saaray, waxaana mooska qarkiisa ka muuqda lafihii qofkii Tobnaad ee xadhigani ku xidhnaa.
Ninka beertan leh dadku ku xabaalan yihiin, ee horena looga helay beertiisa xabaalo wadareedyadii hore oo aanu kula kulanay goobta ayaanu wax ka waydiinay arrintan iyo siday ku soo baxeen. Waxaanu isaga oo arrintan ka waramaya noo sheegay. (walaahi walaal waa arrin naxdin leh, waxa lafahan soo saaray roobkii shalay da’ay, oo daad badani ka soo rogmaday, subaxnimadii hore ee saaka ayuun baanu aragnay, dabadeedna waxaanu u soo sheegnay ciidankan qaybta degan, kuwaasoo isla markiiba qayb ka mid ah meesha timi, waxaanay iminka isku ururiyeen Sagaal qof madaxyadoodii iyo lafahoodii ka dibna way qaadeen si loo aaso.” Ayuu yidhi ninkaasi
Mooskan aad aragtaan waxa ku jira dad intan ka badan oo xadhigu isugu wada xidhnaa iminka waad arkaysaa in lafihii qofkii tobnaad ee xadhigan ku xidhnaa uu ka muuqda gunta hoose ee mooska. Inta aanay xadhigan isugu wada xidhin ciidamadii siyaad barre ayay laayeen, ka dibna intay cagaf bay u soo direen ayay laagtan biyo mareenka ah ee beerta dhinac marta ku aaseen halkaasi waa meeshii saddexaad
waxaana laga yaabaa inay meelo kale oo badanina jiraan.”
Maaha markii u horaysay ee Xabaalo-wadareeyada xasuuqii Dawladii Mucangaga keligii Taliyihii Siyaad Barre ku xasuuqeen bulshada aan waxba galabsan ee Somaliland ay daadku soo saaraan lafahooda. Dhinaca kale xukuumada ayaa guddi dabal-galka xasuuqa loogu yeedho samaysay, mana muuqato wax talaabo ah oo ay qaadeen, marka laga yimaado moos uu daadku soo jiiday oo aan waynayn oo ay ka sameeyeen xabaalaha hortooda.
Siciid Cawil Axmed (Xajiin)
Somalilandinfo/com Reporter
Hargeysa Somaliland