Hargeisa (BuraoOnline) 29.05.09 Khilaafkaasi oo qayb ahaan ka dhashay degmo cusub oo uu dhawaan dhismaheeda uu ku dhawaaqay Maayirka caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir Xafladna loo sameeyey, taas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka mid ah golaha xukuumadda oo ay ka mdi ahaayeen wasiirka duulista, wasiirka hawlaha guud kadib markii ay maalin uu xafladda dabadeed qoraalo isku ujeedo ah oo lagu hor joogsanayo degmadaasi ay soo saareen wasiirka daakhiliga iyo badhasaabku.
Maayir ku xigeenka Maxamed C/laahi Uur Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa in kasta oo aanuu xusin inuu ka jawaabayo amar wasaarada daakhiliga hadana waxa uu ka cudur daartay in aanay jirin degmo ay sameeyeen balse ay tahay waxa ay ku dhawaaqeen waax, waxaana uu ku sababeeyey sheegida lagu sheegay degmada inay tahay halmaam .
Odayaal iyo dhalinyaro uu hor kacayo suldaanka beesha bariga Hargeysa ee degmada cusub ayaa iyaga oo ka cadhooday ka noqoshada magacii demada laga noqday ay shalay gelinkii dambe ay isa soo tubeen xarunta dawladda hoose.
Dhinaca kalena khilaaf aan salkiisa iyo waxa uu ka dhashay laga war ahaynin ayaa soo baxay kadib markii sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka mid ah ciidanka Booliska oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, inay Isgaadhsiinta Booliska ay ka maqlayeen iyaga oo hadalo kulkulul ay isku weydaarsanayaan Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Badhasaabka Cali Asad iyo Maayirka Caasimadu Jiciir.
Waxaanu hadalkaasi yimid kadib markii ay doraato galinkii hore la arkay
Guddida nabadgelyada gobolka oo uu ka maqan yahay guddoomiyahoodu oo ah badhasaabka gobolka Hargeysa, balse uu guddoominayey maayirku iyada oo uu badhasaabku ku sugan yahay magaalada oo aanu maqnayn, waxaanay guddidaasi fadhigaasi ku xukuntay dad ka badan labaatan qof oo u badnaa Ciyaala Suuq iyo tuug.
Warku waxa uu intaasi ku daray in kalsoonida ay xubnaha guddida nabadgelyadu ku fadhiisatay iyada oo aan loo baahanin guddoomiyahooda ay ka heleen taliyaha ciidamada Maxamed saqadhi Dubad waxaana sidaasi laga fahmay hadalkii kululaa ee ay isku weydaarsadeen Isgaadhsiinta Booliska, Taliyaha Bilayska iyo Badhasaabka iyo Maayarka.
Lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay khilaafkan u dhexeeya wasaaradda daakhiliga iyo tiirarkeeda ugu muhiimsan ee hoos yimaada, warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna tibaaxay inuu khilafkani daba socdo mid u dhexeeyey wasaaradda lafteeda iyo qaar ka mid ah laamaheeda.
Xabsiga dhexe ayaa la sheegay in uu diiday qabashada maxaabiistii ay maalintaasi xukuntay guddida nabadgelyadu iyaga oo sabab uga dhigay in aanay soo saxeexin guddoomiyihii guddida nabadgelyadu sidii caadiga ahayd.
Khilaafyadan u dhexeeya xafiisyada muhiimka u ah amaanka caasimada iyo gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa uu ku soo beegmay xiliga uu soo baxay iyada oo ay Madaxweynaha iyo Wasiirka daakhiligu isla maalintaa u amba baxeen gobolka Saaxil lamina oga inay khilaafkan wax ka ogaayeen.



