Burco (BuraoOnline) 3.05.09 Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo oo ku Gashaaman Tekniko iyo ciidan culus aya soo gaadhay caasimada gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen dadweynaha magaalada Burco,madaxda dawlada ee gobolka Togdheer iyo dhamaan qaybha bulshada ee gobolka.
Waftiga madaxweynaha ayaa booqasho maalmahanba ku joogay gobolka Saaxil,iyagoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda gobolkaas,waxayna shalay galinkii danbe soo mareen degmada Shiikh,waxayna saaka si lama Filaana uu soo gaadheen magaalada Burco.
Waftiga madaxweynaha ayaa la filayaa inay u sii gudbaan gobolada Saraar, Sool iyo Sanaag.
BuraoOnline






