Gabaygan Waxa La Yidhaahdaa “BUULALO” waa gabay cusub oo soo baxay 14/6/2009, Buulalo waa hogog ay qodato qudhaanjada qayb ka mid ah oo madaxya wayn loo yaqaan. Dhulkana dadku way iska oodaan wayna ka cuudu bilaystaan. Gabaygana hay’adaha cabudhinta, waxaanu ku saabsan yahay basaasiinta iyo dhibtooda, basaasiduna waxay salka ku haysaa Iblays waana camal shaydaan, sidana waxaa caddeeyey Nebigeenii C.S.W.S.oo yidhi “hays xaasidina hana is basaasina” gabaygiina waa sidan.
Badeey magic kuuma bixin.
Bileey waad baaqatee.
Bushaaraba haw fadhiyiin.
Biyihii dhoobada lahaa.
Beerihii bay qala jiyeen.
Butaacadiibay fideen.
Xanbay beeqaaqayaan.
Indhaha wax basaasayaa bakooray wada qabaan.
War dhuugtadu buuxsantoo, dhegahaa wada banadan.
Bushimaha ay kala Furaan.
Barashaa hadalka uga dhiman.
Birtaa wada saaranoo, baqay la amaarayaan.
Jaahiliin badaw ahoo, aqoonta ka baxaasay bay , basaasiin u wada yihiin.
Bar yuu kuula imanayaa, hadana ku basaasayaa.
Bishaa isagoon afurin, busaaradi dubatay buu, dadkiisii u basaasayaa.
Bakhayl uu nacayb ku jiro, bilaale midaan u hurin.
Basaas aan wax kala ogayn, oo basaas cadaw u ah basaas.
Basaas macaluul baqtiyey.
Basaas dhergayana basaas u ah.
Basaas dulinimo basaas dulman ku ah, oo basaas ku dul nool basaas u ah.
Sidii baarqab koron ku soo baxay, bekello fulanimo la baysadaya.
Basaasiin u bahdilan basaas kale.
Basaas noloshaba intuu kaaga ba, oo budkana shishe kuula beegsanaya.
Basaas Segageroo basaas u ah, basaas nacabkii wuxuu bido.
Basaas doqonoo basaas uga ah.
Basaas adhlaxnimo basaaska udaran.
Basaas ka uga jira bulshada u ah.
Basaas nacaboo basaas liitiya.
Wuxuu bushadaba basaas uga ah.
Basaas aar goosi basaas ku ah.
Basaas baahidu basaas ka dhigtay.
Basaas afmugii basaas ku ah.
Basaas sinjinimo basaas ku ah.
Basaasiin badanaa basaasiintu.
Basaaska u wayn basaasiinta, oo basaasiin ku darsaday basaasiinta.
Waa basaasiin ku dhex jira basaasiintoo, basaaska xukuma basaas u ah.
Waa basaasiin is wada basaasaysee,basaasiin badadaa basaasiintu.
Iblays baa u boqora basaasiinta, shaydaan bay la bahyihiin basaasiintu.
Barakiyo khayr male basaasiintu.
Bacadkaa u hadha basaasiinta.
Been bay quutadaa basaasiintu.
Baradoodu waa naar basaasiinta.
Ilaaha wax baxshee isaga la baryo, badbaado kuma laha basaasiintu.
Waa balaaya cunsara basaasiintu.
Warkooda baahiyoo basaasiinta.
Bayaami Ibraahin buranaw basaasiinta.
Badheedh ugu sheeh basaasiinta.
Kitaabka u baadh basaasiinta.
Basaasiin badanaa basaasiintu.
_____________________________
Waa Ereyadii Abwaan Aadan Tarabi Jaamac
“Waxa Meesha Ka Socota Muddo-kordhin Oo Sidii Ina Rayaale Oo Kale Ayaa kolba Muddada Xadhigayaga La Kordhinayaa, Halkii…” Abwaan Aadan Tarabbi
http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21426